Abwaan Weedhsame Oo Suugaantiisa Cosobka Ah Xalay Ku Soo Bandhigey

0
2062

WEEDHSAME

Hargeysa (Geeska)-Madal il yartu is qabatay oo loogu magac daray cawayska Weedhsame iyo waadiga suugaantiisaayaa xalay lagu soo bandhigay Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa, kaas oo ay ka soo qayb galeen dhalinyaro rag iyo dumar isugu jiray, kuwaas oo buux dhaafiyey madasha cawayskaas oo uu suugaantiisa cosobka ah ku soo bandhigay Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil (Weedhsame) oo ah hal-abuur da’yar.

Dadka mudan ee  cawayska ka soo qayb galay waxa ka mid ahaa Abwaan Maxamed Warsame Ibraahim (Hadraawi), Abwaan Xasan X Cabdilaahi (Xasan Ganay), iyo dad kale oo magac leh oo ay ka mid ahaayeen qoraayo, aqoonyahano iyo dad kale oo ka mid ah bulshada kala duwan ee caasimada Hargeysa.

Madasha soo bandhiga waadiga suugaaneed ee abwaan Weedhsame waxaa isku soo duba riday oo iska kaashaday shirkada diyaaradaha ee Juba Express, dalada dhalinyarada ee SONYO iyo shirkada ASALJET

Ugu horayn waxaa cawasya lagu soo dhaweeyey abwaanka maansooyinkiisa badweynta ah xalay la wada sugaayey Abwaan Weedhsame, waxaanu madasha ku furay maanso aad u qiimo iyo mudnaan badnayd, waa maansadiida la magac baxday Rasmi, waana Maanso la hadlaysa barbaarta, gaar ahaana haweenka, taas oo ka wacyi gelinaysa damac raga. Sidoo kale abwaan Xasan Weedhsame ayaa daaha ka rogay maanso ka hadlay arrimaha ictiraafka ee caqabadaha ku ah Somaliland.

Intaas kadib waxaa madasha ka hadlay Abwaan Xasan Ganay oo si heer sare ah u soo dhaweeyey waadiga suugaanta Abwaan Weedhsame, isaga oo ku tilmaamay dadkii ka reebi lahaa suugaanta, isla markaana u hiilin lahaa hidaha suuban ee ku dheehan dhaqanka Soomaalida, waxaanu abaan Xasan Ganay la oogsaday duco uu ilaahay uga baryey Weedhsame inuu ku shubo intaas iyo in ka badan oo suugaan ah. Waxaa isna halkaas ka hadlay Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) waxaanu ku faanay hibad faneed ee uu ilaahay siiyey abwaan Weedhsame. Hadraawi ayey u qaadan-waa ku noqotay suugaanta miisaaman ee abwaan Weedhsame, waxaanu  yidhi Hadraawi “Garan maayo meesha uu Xasan ku dhashay ee haddii Allahaa Alle yahay iga qabo caawa.” waxaana lagu qaabilay eraygaas sacab iyo sawaxan badan, kelmadda Hadraawina waxay xambaarsanayd macno culus.

Jaamac Muuse Jaamac oo ka mida qorayaasha da’da yar, isla markaana u isku hawla uruurinta suugaanta iyo qoraalka Soomaalida ayaa halkaas ka balan qaaday in uu suugaanta Abwaan Xasan Daahir Ismaacil (Weedhsame) ku soo daabici doono buug u gaara, hadii uu abwaan Weedhsame Ajiibo.

 

Ugu danbayntii waxaa isna halkaas ka balan qaaday in daabacaada labaad uu soo daabici doono gudoomiye ku xigaanka jaamacada ADAMS Xuseen Cabdilaahi, oo abwaanka uga mahad celiyey sida qiimaha leh ee uu soo bandhigay suugaantiisa.