Ciidamada Booliska Hargeysa Oo Qabtay Hub, Rasaas Iyo tarikada Baabuurta

0
752

ciidan

 

Hargeysa (Geeska)- Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Gen. Maxamed Saqadhi Dubad, ayaa soo bandhigay hub, rasaas iyo taariikada baabuurta oo kala duwan oo lagu qabtay guri ku yaala magaalada Hargeysa.

Taliyaha Ciidanka Booliska oo shalay saxaafadda u waramay, waxa uu sheegay in walxahan ay qabteen ay iskugu jiraan rasaas tiro badan, Lambarada baabuurta ee Soomaaliya, Puntland iyo Somaliland, waxaanu tilmaamay in lambaraddaas gaadiidka ee ay soo qabteen ay ka turjumayso in dadka hubkan sitay ay ka yimaadeen wadanka Soomaaliya ee qalalaasaha siyasaadeed hadheeyeen.

Taliyuhu waxa uu sheegay inay ciidanka Boolisku ku dabo jiraan sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen dadkii hubkan iyo rasaastaasi sitay oo uu tilmaamay inay ahaayeen cadowga Somaliland.

Gen. Maxamed Saqadhi Dubad, waxa kale oo uu tilmaamay in maalmihii la soo dhaafay ay ciidanka Boolisku ay wax weyn ka qabteen dhalinyarada ka shaqaysa Bacadlaha Waaheen oo dhibaatooyin kala duwan ku haya haweenka suuqaas ka adeegta oo ay kula kacaan waxyaabo ka soo horjeeda diinta Islaamka iyo dhaqanka wanaagsan.