Muuse Biixi Oo La Filayo Inay Caawa Is Arkaan Raysalwasare Meles Zenawi

0
851

 

biixiAddis Ababa (Geeska)-Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muse Biixi Cabdi, oo socdaal shaqo ku jooga dalka Itoobiya ayaa la filayaa inuu caawa kulan casho ah kula kulmo Raysalwasaaraha dalka Itoobiya Meles Zenawi.

Muse Biixi oo hoggaaminaya xubno ka tirsan guddoonka sare ee xisbiga KULMIYE, waxa uu Itoobiya ku tagay martiqaad rasmi ah oo uu u fidiyay xisbiga xukuumiga ah ee EPRDF. Guddoomiye Muse oo xalay u wargeyska Geeska Afrika isagoo jooga gobalka Awaas oo martiqaad loogu sameeyay, waxa uu sheegay inay magaalada Addis Ababa kula kulmeen madaxda xisbiga oo uu hoggaaminayo xoghayaha guud ee xisbigaas Ridwaan Xuseen iyo xubno kale oo ka tirsan guddiga fulinta ee EPRDF.

Md. Biixi wuxuu sheegay inay caawa ka qayb galayaan kulan casho ah oo uu qabtay Raysalwasaaraha Itoobiya, taas oo lagu soo gunaanadayo dabaal degyadii sannad guuradii 20aad ee ka soo wareegtay markii ay Itoobiya iska tuurtay xukunkii dhergiga, waxaanu sheegay in cashadaas oo si rasmi ah loogu martiqaaday ay isku arki doonaan Raysalwasaare Meles Zenawi. “Si fiican ayaa lanoo soo dhaweeyay, waxaanan madaxdii aanu kulanay aanu ka wada hadalnay arrimo badan oo labada dal khuseeya.” Ayuu yidhi Muse Biixi.

 

Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle oo ah guddoomiye xigeenka xisbiga KULMIYE oo isna ka mid ah weftiga ayaa isna Geeska Afrika u sheegay in si diiran loogu soo dhaweeyay Itoobiya, “Sida lanoo soo dhaweeyay waxay muujinaysaa xidhiidhka labada dal iyo sida halkan Somaliland looga jecelyahay.” Ayuu ydhi.

 

Xildhibaanku isagoo ka hadlaya sababta loogu martiqaaday gobalka Awaas oo 480km koonfur ka xiga magaalada Addis Ababa, wuxuu yidhi, “Sababta lanoogu martiqaaday waxa weeye gobal ay ku noolyihiin rubuc ka mdi ah dadweynaha Itoobiya, 19 malyuun oo ruux ayaa ku nool oo u qaybsama 56 qoomiyadood oo 56 luuqadood ku kala hadla. Sida ay iyagoo intaas oo qoomiyadood ah haddana isku danta u noqdeen ee ay u wada ilaashanayaan danahahooda inaanu aragno ayaa gobalkan la noogu dooray.” Ayuu yidhi Talyanle.

 

Weftigani waxa ay xalay kulan la yeesheen madaxda sar sare ee gobalkaas.