Ismaaciil Buubaa Oo Taageeray Shirkii Ay Xukuumadu Kaga Qayb Gashay Kenya, Cambaraynta UDUB-na Ku Tilmaamay Inay Tahay Afka Baarkiisa

1
1001

 

buubaaaHargeysa(Geeska)-Siyaasiga Ismaaciil Maxamuud Hurre (Buubaa) oo u dhashay Somaliland balse aaminsan mabda’a federaalka Somaliya ayaa tallaabo wanaagsan ku tilmaamay shirarka ay xukuumadda Somaliland ka qayb gashay oo uu u dambeeyay shirkii dhawaan ay golaha ammaanku ku qabteen magaalada Nayrobi ee dalka Kenya.

Mr. Buubaa, wuxuu sheegay in ka qayb galka shirarka noocaas ahi ay Somaliland siinayaan fursad ay ku soo bandhigto doodda ay qabto, wuxuuna afka baarkiisa ku tilmaamay cambaaraynta ka qayb galka shirarkaas ee xisbiga UDUB. “Shirarkaasi way u wanaagsanyihiin Somaliland, inay ka qayb gashaana waa wax loo baahanyahay, waayo dano badan ayaa Somaliya kaga xidhan, waana inaad dantaada iyo aragtidaada sheegataa waana sax in la tagaa shirkan oo uu u dambeeyay kii golaha ammaanku.” Ayuu yidhi Buubaa oo shalay u waramay Wargeyska Geeska Afrika, isagoo jooga magaalada Nayrobi ee dalka Kenya, waxaanu intaas raaciyay oo uu ka soo horjeestay cambaarayn uu xisbiga UDUB ku duray shirkaas golaha ammaanka iyo Somaliland dhex maray “Khalad siyaasadeed ayay u ahayd inay ka qayb geli waayaan shirkan oo kale, waxaanan anigu xubno UDUB ah afkooda ka hayaa oo ay igu yidhaahdeen waxa noo fiican inaanu ka qayb galno., markaas cambaarayntida UDUB waa afka baarkiisa, Somaliland inay shirkan oo kale tagto oo ay doodeeda ka dhiibataa way u wanaagsantahay, qofka doonaya in Somaliland la ictiraafaana waa inuu meel kasta u maraa.” Laakiin wuu ka gaabsaday inuu magacaabo xubnaha UDUB ee hadalkaas u sheegay.

Buubaa oo la weydiiyay sida uu u arko doodda Sheekh Shariif ee ah in hal sanno loo kordhiyo,wuxuu sheegay inay tahay garaad gaabni siyaasadeed, waxaanu sheegay inaanay taasi marna suurtogal ahayn.

Isagoo ka jawaabayay in Sheekh Shariif ku guulaysan karo haddii doorasho Barlamaanku codka bixiyaan la qabto, wuxuu yidhi, “Aniga ilama ah inuu soo baxayo waayo wuxuu meesha isugu adkaynayaa wuxuu ogsoonyahay inaanu ku soo baxayn, markaas wixii aanu doorasho ku helayn ayuu jujuub ku doonayaa.”

 

Comments are closed.