Diblomaasiga Caanka Ah Ee Cabdillaahi Kongo Oo Reer Somaliland Ugu Baaqay Inay U Halgamaan Aqoonsi Ay Helaan

0
789

 

aqoonsiDubai(Geeska)-Diblomaasiga caanka ah ee reer Somaliland Md. Cabdillaahi Aadan Koongo, ayaa shacabka Somaliland ugu baaqay inay dagaal adag u galaan sidii ay aqoonsi u heli lahaayeen.

Ambassador Koongo, wuxuu sidaas ku sheegay hadal uu habeen hore ka jeediyay kulan ay jaaliyadda Somaliland ee Imaaraadka Carabtu la yeesheen Wasiirka duulista iyo hawada Maxamuud Xaashi Cabdi, waxaanu nasiib darro ku tilmaamay aqoonsi la’aanta Somaliland. 

“Soomaliland Qaraar ayay ku goostey Burco nasiib daro ilaa maanta halkii baynu taaganey marka loo eego cudurkeenoo ah ictiraaf La´aan.” Ayuu yidhi Koongo, wuxuuna intaas raaciyay,   “Hadaba waa in hadfkeena koowaad noqdaa oo aynu ka midownaa  in aynu dagaal adag ka galno sidii aynu u gadhi Lahayn  dawadeena oo ah  in layna aqoon sado.”

Wasiirka duulista iyo hawada oo isna halkaas ka jeediyay hadal kooban, ayaa ka waramay wax qabadkii xukuumadda iyo waxyaabo kale.