Musuq-maasuqu Miyuu Yaraaday Mise Wuu Kobcay Labadii Sanno Ee Silanyo?

0
574

 

odayIn su’aashan la isweydiiyaa waxa ay ceeb ku tahay buuggii balanqaadka xisbiga KULMIYE ee uu Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo sheegay inuu umadda ku hoggaamin doono, kaas oo qaybo ka mid ah uu si cad ugu balan qaaday in maamulkiisu la dagaalami doono amaba uu dabar goyn doono musuqmaasuqa. Waxaanu Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo isagoo balan qaadkiisa ka duulaya uu sameeyay hay’adda maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa oo uu ugu tallo galay sida uu sheegay inay shaqadeeda u gudato si madaxbanaan.

 

In Madaxweynuhu amhiyad gaar ah siiyo dabar goynta musuqmaasuqa, waxa keentay eeddihii ay isaga iyo xisbigiisa KULMIYE mudada dheer u jeedin jireen xukuumadii hore ee UDUB , kuwaas oo ahaa maamul uu musuqmaasuq dilay amaba uu curyaamiyay. Intaas waxa dheer waxay KULMIYE soo bandhigi jireen malaayiin Dollar oo ay sheegi jireen inay dibadaha dhigtaan amaba ay lunsadaan xukuumadii hore ee UDUB. Marka la eego balanqaadkii buuggaas ku qornaa iyo weliba waayo aragnimadii KULMIYE u lahaa dabo-galka iyo soo bandhigista musuq maasuqii xukuumadii hore, ciddina meesha ma soo dhigan in su’aashan sare ku qoran la isweydiiyo.

Bulsho badani waxay Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo u taqaanaa hoggaamiye aan musuqa jeclayn oo musuqa iyo ku takrifalka hantida umadda laga ga’mi doono marka uu talada qabto. Hase yeeshe inkastoo ay jiraan masuuliyiin ka tirsan xukuumadiisa oo u xidhan lunsi hanti umadeed, haddana waxa soo baxaya fadeexado musuqmaasuq oo dul hoganaya xukuumadiisa iyo hay’adihiisa maamul ee kala duwan, waxaana dhawr goor la arkay masuuliyiin ka tirsan xukuumadiisa oo soo bandhigay fadeexado musuqmaasuq oo la degay hay’adihii ay ka tirsanayeen. Warbaahinta qaarkeedna waxaabay dhawaan baahiyeen eeddo musuqmaasuq oo loo jeediyay qoyska Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, taas oo la mid ah eedihii loo jeedin jiray qoyskii Madaxweynihii hore.

Waxaan xasuustay maalin ka mid ah wakhtiyadii ololihii doorashada oo aanu sheeko wadaagnay mid ka mid ah madaxdii sare ee KULMIYE, oo aanu iska waraysanay sida uu Madaxweyne Siilaanyo ula dagaalami doono musuqa. Masuulkaasi wuxuu ii sheegay in Madaxweyne Siilaanyo daacad ka yahay dabar goynta musuqa iyo la dagaalankiisa haddii aanay jaho-wareerin dadka ku xeerani.

Waxa ay dad badani aaminsanyihiin inay qaar badan oo ka mid ah masuuliyiinta xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ay si cad iyo si dad banba u xalaashadeen boobka hantida umadda iyagoo u maraya tabo iyo farsamooyin kala duwan, kuwaas oo la sheegay in qaar ka mid ah uu Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo laftiisu ka warqabo, lagana yaabo in hay’adaha ku shaqada lihi warbixino ku saabsan u gudbiyeen. Waxa kale oo si cad loo ogyahay masuuliyiin ka tirsan xukuumadiisa amaba hore uga tirsanaa oo hanti ka dhaqday intii ay xilka hayeen. “Qaylo badan ayaa jirta, oo dibad iyo gudaba waa la qorayaa oo wax la leeyahay musuqmaasuqii faraha ayuu ka baxay. Haddaan wax laga qabana dhibaato weyn ayaa wadanka ku iman doonta, oo inay dadkii qaarna lacagaystaan qaarna bakhtiyaan, oo awoodii dawladeed lagu tagrifalo, oo wasiirku ka sareeyo sharciga, ilaa hay’adihii inala shaqaynaayay ayaa cabaadaya oo leh musuqmaasuqii ayaa cirka maraaya, markaas waa ceeb oo waa wax cusub oo inagu bilaabmay.” Sidaas waxa yidhi dhawaan guddoomiyaha xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe, oo uu Geeska Afrika weydiiyay aragtidiisa in musuqmaasuq dalka ka jiro.

Meelaha ay dad badani aaminsanyihiin inuu musuq ka dhaco waxa ka mid ah mashaariicda iyo qandaraasyada ay xukuumadiisu bixiso iyo weliba deeqaha iyo mashaariicda kala duwan ee ay hay’adaha Qaramada Midoobay iyo kuwa caalamiga ahi ku deeqaan xarumaha dawladda.

Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha, imikana ah guddoomiyaha ururka Umadda Dr. Maxamed Cabdi Gabose, oo ay saxaafadu isna dhawaan weydiisay aragtidiisa heerka uu musuqmaasuqu dalka ka marayo, wuxuu yidhi “Waxaan aaminsanahay musuqmaasuq inuu aafeeyay  xukuumaada siilaanyo.”

Si kastaba ha ahaate, waxa Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo la gudboon si uu isaga mooso taariikh xumo inuu u dhug yeesho masuuliyiinta uu qaranka xilka ugu dhiibay islamarkaana uu awood xafiiskiisa ka madaxbanaan siiyo hay’adda la dagaalanka musuqmaasuqa iyo weliba inuu si firfircoon uga shaqaysiiyo hantidhawrka guud ee qaranka. Haddiise taas laga waayo waxa uu Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo wakhti aan dheerayn dambarsan doonaa ceebo musuqmaasuq oo banaanka u soo baxa, mar haddii uu isagu yahay masuulkii ay umaddu u dooratay inuu qarankoodan curdinka ah hoggaamiyo.