Laba Masaajid Oo Shalay Qadimay Eedaankii Afurka, Khalkhalka Ay Bulshada Ku Rideen Iyo Digniinta Wasiir Khaliil

0
473

 

khaliilHargeysa(Geeska)-Laba masaajid oo ku yaala magaalada Hargeysa ayaa shalay khalkhal ku riday dadka sooman ee xaafadaha qaarkood ee sugayay eeddaanka salaadda makhrib ee lagu afuro, ka dib markii ay adimeen wakhti ka horeeya wakhtiga la adimo salaadda Makhrib, waxaanay qiyaastii qadimeen wakhti shan minit ah.

 

Labadaas Masaajid  ayaa waxa ku afuray dad badan oo maqlayay eedaankooda, laakiin waxa ay dadkaasi amakaageen markii ay shan minit ka dib maqleen eedaankii masaajiida kale oo iyagu adimay wakhtigii rasmiga ahaa, waxaanay dadka ku tukada salaadda makhrib labadaas masaajid iyo kuwa ka ag dhowba ku dhacay khalkhal iyo su’aalo badan oo ay iska weydiiyeen soonkoodii. Waxaana mid ka mid ah mu’adimiinta labadaas masaajid isla xalay fiidkii looga yeedhay saldhigyada Booliska,  halka mu’adinka labaadna la waayay. Laakiin mu’adinka saldhiga la geeyay ayaa xalay cawayskii la soo daayay ka dib markii ay odayaal kala duwani ergo ka galeen, islamarkaana uu balan qaaday inaanu mar dambe u noqon doonin khaladkaas.

Haddaba, wasiirka diinta iyo awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, ayaa xalay bulshada ku khalkhashay labadaas eeddaan ee wakhtigii caadiga ahaa ka soo horeeyay kala hadlay warbaahinta, waxaanu ugu bushaareeyay in marka la eeggo axaadiis iyo aayado qur’aan ah, uu soonkoodu sax yahay maadaama oo aanay u kasin khaladkaas dhinaca wakhtiga ah, waxase uu ku taliyay in laga digtoonaadaado. Wasiirku isagoo ka hadlaya labadaas masaajid wuxuu yidhi “Waxa shalay dhacday in mu’adiniinta qaar ka mid ahi ay adimeen wakhtigii oo aanay gaadhin, taas oo ku dhacday hubsiimo la’aan iyo deg deg ka dhacay mu’adiminta qaarkood, sidaana ay dad badani ku afureen oo markii ay xoogay cunayeen ay maqleen eedaankii saxda ahaa oo dhacaya, taasina waxay keentay shaki badan iyo dad badan oo ka warwaray soonkooda.”

Wasiirku, wuxuu sheegay inay ka hor bisha Ramadaan wasaaradiisu diyaarisay jadwal qeexaya wakhtiyada eeddaanka ee salaadaha bisha Ramadaan, kuwaas oo loo qaybiyay masaajiidda dalka, “Mu’adimiinta iyo culimadaba waxa saaran inay wakhtigooda dhawraan, wasaaradu waxay diyaar garaysay xilliyada eedaanka ee bisha Ramadaan, gobaladana waanu wada gaadhsiinay, waxase jira dad badan oo mu’adimiin ah oo aan noo iman oo qaan aadan xilliyada eedaanka, waanu baahinay oo xarunta wasaaradda ayaanu ku qaybinay oo siminaar ayaanu u furnay ku saabsan in la ilaaliyo wakhtiga eedaanka.”

Isagoo wasiirku mu’adimiinta si gaar ah ula hadlaya, wuxuu yidhi “Mu’adimiintu waa dad la aaminay oo ammaano inoo haya, Mu’adimiinta xisaab gaar ah ayaa naga dhaxaysa oo ragga qaarkoodba hadda Boolis ayaanu u dirnay oo aanu ku nidhi soo baadha, waxaana la ii sheegayaa in qaarkood saldhigyada looga yeedhay oo la weydiinayo sababta ay ugu deg degeen iyagoo haya wakhtigii salaadda. Waxaan mu’adimiinta ka codsanayaa inay iska dhawraan khaladaas dhacay.”

Wasiirku ugu dambayn wuxuu digniin iyo hanjabaad u diray mu’adimiinta khalkhal ku ridda bulshada wakhtiyada salaadda, oo uu sheegay in haddii ay ka waantoobi waayaan sharciga lala tiigsan doono.