Madaxweyne Axmed Siilaanyo Oo La Sheegay Inuu Aqbalay Laba Qodob Oo Ay Saleban-Xaglatoosiye Iyo Ergadiisu Soo Bandhigeen & Nuxurka Ku Duugan

1
504

 

kulanHargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa la sheegay inuu aqbalay laba qodob oo ay hoggaamiyihii maleeshiyaadka SSC Saleban Ciise Axmed (Xaglatsooiye) iyo ergo odayaal ah oo ka soo raacay degmada Buhodle,  u bandhigeen si ay nabadu uga islaaxdo deegaanka Buhodle.

 

Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu go’aanka ugu cadeeyay Saleban-Xaglatoosiye kulan uu shalay kula yeeshay xarunta Madaxtooyada, ka dib markii ay qodobadan isla soo afgarteen weftigii ka socday xukuumadda Somaliland iyo ergadii reer Buhodle. Inkastoo aanay Madaxtooyadu war rasmi ah ku cadayn labadaas qodob iyo aqbalaadooda toona, haddana ilo xogogaala ayaa Wargeyska Geeska Afrika u xaqiijiyay in labadaas qodob ee uu Madaxweynuhu aqbalay kala yihiin, in ciidamada qaranka laga qaado deegaanka Buhodle ee ay colaaduhu ka dhaceen iyo in la sii daayo maxaabiista reer Buhodle ee dagaalada lagu qabtay. Labadaas qodob oo ugu muhiimsanaa qodobo ay wateen Mr. Xaglatoosiye iyo ergada la socotay ayaa la sheegay inuu Madaxweynuhu cadeeyay inuu aqbalay, islamarkaana uu fulintooda amri doono. Waxaanku warku sheegay in Madaxweynuhu durba amray in la sii daayo maxaabiista oo la filayo in hormadooda u horaysa maanta xabsiga laga soo daayo.

Taas bedelkeedna waxa la sheegay inay xukuumadda Somaliland Mr. Xaglatoosiye iyo odayaasha la socda ka codsadeen in maamulka iyo qaranimada Somaliland si rasmi ah loo gaadhsiiyo degmada Buhodle oo ay ku suganyihiin kooxo ka amar qaata koox siyaasadeedka Khaatumo.

Kulanka dhex maray Madaxweynaha iyo Saleban Ciise Axmed, waxa warsaxafadeed ka soo saaray afhayeenka Madaxtooyada Cabdillaahi Maxamed Daahir, oo yidhi, “Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) waxa uu maanta [shalay] xafiiskiisa ku qaabilay Ergo ka mida Wefti balaadhan oo uu hogaaminaayo Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-toosiye) oo reer Buuheedle ah weftigaas oo ujeedada socdaalkoodu ay ahayd in ay madaxweynaha soo gaadhsiyaan aqbalaada ay aqbaleen baaqii nabada iyo weliba fariinta reer buuhoodle.

Madaxweynaha Somaliland oo kulankaa hadal kooban ka jeediyey waxa uu marka hore soo dhaweyey weftiga reer buuhoodle oo uu u sheegay inay dalkoodii joogaan, madaxweynuhu waxa uu weftiga uga mahadnaqay kuwa Hargeysa soo gaadhay iyo kuwa bari ku hadhayba, dedaalka ay u soo mareen nabada waxaanu u sheegay in illaahay ka abaal marin doono qof kasta oo wanaag ka shaqeeya.

Madaxweynuhu waxa uu u sheegay in farsamo ahaan wax kasta oo suurto gelinaya Nabad-gelyada deegaanadaasi uu diyaar u yahay,

Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu u mahadnaqaday gudidii dhinaca Somaliland ka socotay oo uu sheegay inay hawl wanaagsan qabteen ugu danbayn madaxweynuhu wax uu kula dardaarmay weftiga reer buuhoodle iyo dawladaba in aan laga hadhin ee hawsha nabad-doonimada la sii wado.

Kulankaa madaxweynaha waxa ku wehelinaayey xubno ka mida golihiisa wasiirada iyo gudoomiyeyaasha labada Xisbi ee Kulmiye iyo UCID.”

Comments are closed.