Murashaxa Madaxweyne-xigeenka UCID Oo Talooyin U Diray Xukuumada, Samatar iyo Shacabka

0
540

Hargesa(Geeska)- Musharaxa Madaxweye ku xigeen ee xisbiga mucaaradkaah ee UCID Md.Cabdirashid Xasan Mataan,ayaa xukuumada,shacbiga Somaliland iyo Prof.Axmed Ismciil Samatar u soo jeediyay talooyin.

Aqoon yahan Cabdirashiid waxa uu xukuumada ugu baaqay inay dadkeeda u cadayso qaabka ay u soo marti qaaday Prof.Samatar, sida oo kale waxa uu Prof.Samatar ugu baaqay inuu daacad u ahaado dadkiisa oo uga hiiliyay hungadii ka soo gaadhay Muqdisho daacadna uu ka ahaado dareenkiisa ku waajahan qaranimada Somaliland, waxaanu sheegay in kulanadii uu la qaatay dadka Somaliland in ay ka soo baxayaan dareeno aan wanaagsanayan.

Sida oo kale waxa uu Prof.Samatar u soo jeediyay inuu xaalka siiyo dadkiisa dhibkii uu u gaystay qaranimadooda iyo ololayaashii uu kaga horyimi doonistooda, waxaanu talo ugu soo jeediyay in aan soo dhawayntiisii wacnayd aanay ku soo dhamaan fashil. Waxaanuu sidan ku sheegay aqoon yahan Cabdirashiid Xasan Mataan qoraal kooban oo uu warbaahinta soo mariyay,waxaanu qoraalkaas oo maystiran uu u dhignaa sidan

 “ Waxaynu ka warqabnaa in uu dhamaaday usbuucii koowaad ee Booqashadii ay xukuumaddu ku soo casuumtay Prof. Samatar. Waxaan shaki ku jirin quwadda iyo kharashka ay gelisay xukuumaddu sidii loo soo dhowayn lahaa iyadoo la kaashanayo dareenka shacabka ee ah inay uga hiiliyaan Prof.Samatar wajigabixii kaga dhacay doorashadii MUQDISHO. Haddaba hadii aan dib u jeleecay dareenadii iyo hadaladii is weydaaranayey ee ka soo baxayey kulamadii uu Prof.Samatar ku qaabileyey shacabka usbuucii aynu soo dhaafnay laga bilaablo Hargaysa ilaa Boorama, waxaan dareemay inay lagama maarmaan tahay inaan gudbiyo fariintan iyo dardaarankan aan u kala dirayo XUKUUMADDA, Prof.Samatar & guud ahaan Sacabka Somaliland.

Xukuumadda waxaan leeyahay:-waad ku mahadsantihiin inaad soo dhowaysaan shakhsi kasta oo u dhashay Somaliland oo inaga maqnaa inuu qayb ka noqdo halganka aynu ugu jirno dhismaha Qaranimada Somaliland, laakiin waa in aan-la-iska indho tirin hubsashada shakhsiga aynu soo dhowaynayno iyo waxa uu ka aaminsanyahay Jiritaanka iyo Qaranimada Somaliland. Waxa ka muuqda usbuuca uu joogay Prof.Samatar in aanu caddayn mawqifkiisa, waxa kale oo muuqda raxan wasiiro ah oo daba guuraysa goobkasta oo lagu qaabilayo, waxa kale oo muuqata Samatar oo ay ka baxayaan afkiisa, sida uu u yaraysanayo shacabkan xalaasha ah iyo astaanta qaranka uguna durayo ereyo guudmar ah oo u badan dhaliilo, oo u eg in lagu niyad jabinayo shacabka’ Waxan kula dardaarmayaa xukuumaddu in aanay yaraysan dareenka shacabka, ee ay caddayso barnaamijkeeda ay ku soo casuumtay Samatar, si looga hortago faham xumo ka dhalata safarkan kormeerka ah oo usbuucii u horeeyeyba ay ku gedaaman yihiin dareenadaa aan wanaagsanayni.

Fariinta Shacabka:- Waxan halkan ku hambalyaynayaa Shacabka gobta ah ee abti iyo adeer leh ee muujiyey inay ugu hiiliyaan Samatar muujiyaana inuu ka soo jeedo Somaliland si ay uga maydhaan wixii kaga dhacay MUQDISHO, sidii uu xusay Suldaan Saleebaan Cali markii u ku soo dhawaynayey Boorama. Waxa iyana xusid mudan shacabkii Hargeysa, kuwii Gabiley iyo kuwa Boorama intuba u muujiyeen in uu yahay qof u dhashay Somaliland dhulkiisiina yimi. Waxaa xaqiiq ah in soo dhawayntaa shacabku ku timi dareenka loo qabo iyo karaamada ay ku leeyihiin beelaha uu ka soo jeedo Samatar bulsho waynta Somaliland, waanan uga mahadcelinayaa bulshada Somaliland dareenkoodaa.Waxan leeyahay Shacabyohow idinkaa dhistay nabadda iyo dawladnimada, dildilaaca ka muuqda Somaliland ee soo kordhaya muddadi ay talada haysay xukuumadda Kulmiye idinka ayuunbaa sixi kara, idinka ayaana dildilaacaa toltolanaya waayo awalba kamaydaan sugaynin cid safar idiinku timaad inay masiirkiina wax ka beddesho, tabashadiinana wax ka qabato. Go’aanka shacabka Somaliland na waa mid cid qarin kartaa aanay jirin, laguna gaadhi doono Ictiraaf dhaba Insha allaahu.

Prof.Samatar waxan leeyahay:-Waan kuu hambalyaynayaa inaad u soo noqoto dadkaagii iyo ehelkaagii aad ka indho taagaysay in badan, dhibaato badan oo ay soo mareen soddonkii sano ee la soo dhaafay oo waxtar iska daayoo aanad haba yaraatee xataa dareen ku lahayn, haddana abti iyo adeer, saaxiib iyo sokeeye aad ayaa laguu ciseeyey adigaana qiray inaanad mutaysan soo dhowayntaa.Waxan aad u dhuuxayey kulamadaadii iyo hadaladii aad ka jeedinaysay goobihii laguugu diyaariyey inaad kula kulanto shacabka maalmahan u horeeyey ee safarkaaga Somaliland, waxaanan soo qaadan ereyadaadii qaar ka mida iyo dareenada ay leeyihiin waxa ka mid ahaa “ Somaliland  Waxay qabsatay inaan wax ugu daro mooye waxba ka ridi maayo.” Waa hadal fiican, waxtarku ha dambeeyee, waxaad ilowday marka hore inaad Xaal ka bixiso hagardaamadii aad geysateen adiga iyo walaalkaa Cabdi, kadibna aad shacabka u balan qaado in aanay dib dame u dhici doonin. Shacabka Somaliland  waa shacab xisaabtama, ha u qaadan in shacaku yahay xubnaha xukuumadda ee ku soo casuumay oo qudha. Shacabku marna ma ilaawayo dhacdadii ugu mudnayd ee ka dhacday aqalka baarlamaanka ingiriiska oo uu M/Weynihii Somaliland Mudane Daahir Riyaale Kaahin marti ugu ahaa dawladda Ingiriis oo lagu casuumay in uu dareenka shacabka Somaliland  gaadhsiiyo mudanayaasha Ingiriiska, halkaas oo aad kaga soo duusheen Maraykan si aad u carqaladaysaan qadiyadda uu difaacayey ee Somaliland isagoo ah M/Weynihii dalka, idinka oo aan waxba xeerinaynin.

Qudbadahaaga waxa ku jiray oo aad si weyn uga hadashay sida dawlad loo dhiso iyo waxyaabaha ay dawladi wanaagsani ku dhisanto. Dadku aad ayay ugu riyaaqeen, waayo xilliga aad ku soo begantay waa xili ay aad iyo aad ugu dhaliilsan yihiin xukuumadda talada haysa waqtigan. Haddaba waxan kugula talin lahaa shacabku way ogyihiin dhaliilahaa eh, inaad xukuumadda ku soo casuumtay u sheegto sidii ay wax u hagaajin lahaayeen, laakiin aanad sii balaadhin dildilaacaa.

Waxaad sharxaysay hoggaanka wanaagsan in uu ku dhisnaado caddaalad iyo sinaan, waxaan ka waayey qudbadahaagaa ereyga ah in uu hoggaamiyuhu noqdo daacad. Daacadnimaduna waa qodobka ugu muhiimsan nolosha, daacadnimo na waxa ugu mudan ta ilaahay daacad loo noqdo. Waxan kugula dardaarmi lahaa inaad aqoontaada maadiga ah ku darsato ta caqiidada islaamka, oo aad wax-weyn-ka-baran doonto sida: daacadnimada, samafalka iyo waliba xidhiidhka ehelkaaga.

4. Waxaan ku soo gunaanadayaa fariintan Prof Samatar, “wixii aan daacad ahaynba dabaduu ka xumaan”safarkaagu wuxu maryaa usbuucii ugu horeeyey, si sharaf iyo karaamo bandanna shacabku wuu kuu soo dhoweeyey, hase yeshee dareeno badanoo kala duwan ayaa durba soo baxaya, waxaan kugula dardaarmayaa inaad daacad ka noqoto dareenkaaga ku waajahan Qaranimada Somaliland, hadddii aanay taasi suurto gal kuu ahayn, si wanaagsan ayaa laguu soo dhoweeyey ee halkaa ku soo koob safarkaaga, sawiro fiican oo ku anfaca ayaad heshay ee iska amba bax, waxaan ilaahay ka baryayaa in aanu noqon safarkaagu mid shacabka kala dhexdhiga dareeno aan loo baahnayn.”