Masar Oo Wasiirkeeda Khaarajiga U Diraysa Itoobiya

1
533

masarQaahira(Geeska)-Xogo diblomaasiyadeed oo soo baxay ayaa sheegaya in Wasiirka arrimaha dibadda Masar Maxamed Kamal Amiir, uu toddobaadkan booqasho ku tagi doono dalka Itoobiya.

Wararka ay warbaahinta Masar qortay waxay sheegayaan in Wasiirku Addis Ababa u tagayo inuu soo dejiyo dareen cadho leh oo ay dawladda Itoobiya ka qaadatay hadal ka soo yeedhay siyaasiiin reer Masar ah oo biyo xidheenka Itoobiya kala shirayay Madaxweynaha Masar, kaas oo ay Itoobiya dacwad ka dhan ah weedhahaas u fartay Masar safiirkeeda u fadhiya Addis Ababa, oo ay sheegtay inay jawaab ka sugayso. Qodobka labaad ee uu isna wasiirku u socdo ayaa ah inuu khilaafkaas biyaha; Itoobiya kala soo yeesho wada xaajood diblomaasiyadeed si looga hortago in arrintu faraha ka baxdo.

Weli lama shaacin maalinta uu Wasiirku booqanayo Itoobiya, waxase Addis Ababa laga dareemayaa qaban qaabada soo dhawaynta Wasiirka khaarajiga Masar.

Ma muuqdo meel dhexe oo ay labada dal isugu iman karaan, maadaama oo ay Itoobiyana sheegtay inaan wax wada xaajood ah laga gelin karin dhaamka ay samaysatay, halka ay Masarna ku doodayso inaanay aqbali doonin in hal dhibic ay iska dhimaan saamiga ay ka hesho biyaha webig Niilka.

Comments are closed.