Murashaxa Madaxweyne Ee Maraykanka Donald Trump Oo Wariye Ka Ogolaaday In Uu Timihiisa Ku Ciyaaro Si Uu U Hubiyo Saxnimadooda

0
549

1Washington (Geeska)- Muddo dheer oo uu muran ka jiray bal in timaha murashaxa madaxweynaha maraykanka ee Donald Trump ay yihiin timihiisii dabiiciga ahaa iyo in ay yihiin kuwo uu isa saaro oo samays ah, waxa uu Trump soo afjaray murankaas iyo dooddaas kadib markii ugu dambayntii uu ogolaaday si shakiguba u baxo in timihiisa uu faraha geliyo weriyaha caanka ah ee Jimmy Fallon oo barnaamijkiisa Tonight Show uu Trump marti ku ahaa.

Maalqabeenka reer Maraykan ee Donald Trump ee haatan u sharraxan jagada madaxweynaha Maraykanka ee doorashadiisu dhacayso salaasada ugu horreysa bisha foodda innagu soo hayso ee Noofambar ayaa tan iyo bilowgii ol’olaha doorashada ahaa mawduuc ugu xiisaha iyo doodda iyo muranka badan ee ka jira gudaha Maraykanka. Siyaasadihiisa muranka dhaliya, khudbadihiisa aanu kala xishoon ereyada aflagaadada iyo cayda ah, dhaqannadiisa dhinaca dumarka, xubnaha jidhkiisa ee xasaasiga ah, sida uu timaha u feedho iyo xitaa timihiisa ayaa dhammaantood abuura muran iyo doodo xiise badan.

Waxa aana muddo soo noqnoqonayey doodo la xidhiidha in timihiisa booshka midhkoodu daciifka yahay ee dheeri ay yihiin timo aan dabiici ahayn oo uu dusha saarto uun, dooddaas oo muddo bilo ah socotay ayaana hadda uu soo gabagabeeyey wariye Jimmy Fallon oo murashaxa martida u ahaa si lama filaan ah u weydiiyey bal in uu u ogolaan karo in timihiisa uu gacanta dhex geliyo oo si xoog ah u dhaq-dhaqaajiyo si uu u hubiyo in ay yihiin kuwo dabiici ah, in kasta oo daawadayaal badani wadna farta ku hayeen ilbidhiqsiyadii uu Trump aamusay markii dalabkan wariyuhu u gudbiyey, qaarna uba haysteen in aanu ogolaan doonin ama caawa ceebta timihiisa la arki doono, waxa ay sheekadu soo ururtay markii Trump uu ogolaaday gacanta wariyaha, timihiisiina ay noqdeen kuwo dabiici ah.

Tonight Show waa barnaamij caan ah oo tan iyo sannadkii 1954kii saqda-dhexe ee habeenka sabtida si toos ah uga baxa talefishanka Marayanka ee NBC.