Nin Iibinaya Xaaskiisa Oo Uu Sheegay In Isaga Oo Xanuunsanaya Ay U Diir-Nixi Weyday

0
571

1Washington (Geeska)- Simon O’Kane oo u dhashay dalka Maraykanka ayaa shabakadda internet ka ee eBay oo ah suuq internet ka ah oo wax lagu kala iibsado waxa uu soo geliyey afadiisa Leandra oo uu sheegay in uu iibinayo, maadaama oo sida uu sheegay uu wax jiidh-nax iyo naxariis ah ka waayey mar uu dhowana yara bukooday.

Waxa uu bogga eBay soo geliyey gabadha uu iibinayo sawirkeeda, isaga oo ku hoos caddeeyey in ay tahay hooyo

Arrintan oo uu simon O’Kane uga jeeday ilaaq iyo hab uu ku muujinayo cadhada uu xaaskiisa u qabay ayaa gaadhay meel aanay isaga iyo dad badan oo kaleba filayn. Simon oo deggen magaalada Wakefield Yorkshire ee dalka Ingiriiska ayaa  ayaa qoraalka xayeysiiska ah ee uu raaciyey gabadhan uu iibinayo u sheegay qaabka gawaadhi iib u yaalla, isaga oo leh, “Dhaqaaqeeda iyo dahaadhka (Rinjiguba) waa ay fiican yihiin. Laakiin waa mustacmal, in kasta oo ay awood u leedahay in ay kiloomitirro badan oo dambe sii shaqayso” Waxa se’ uu raaciyey, “Xirfaddeeda Kijaduna waa ay sarraysa” waxa se uu sii daba dhigay, “Laakiin xirfaddeedaa kijadu mararbay cisbitaalka ku geynaysaa” dhinaca kalana waxa uu sheegay waxa ay ku xuntahay, oo uu yidhi, “Waxa ay leedahay buuq iyo qaylo aan la aamusiin karin illaa afka bir lagaga dhufto. Laakiin marka moodeellada sannadkan loo eego ma sii xumo, waxa aanan is leeyahay qof nasiib leh ayuun baa heli kara” ugu dambayntii waxa uu ku soo xidhay, “Haddii la iibsado lama celinayo”

Ninkan xaaskiisa uu iibinayo ee Leandra oo ah 27 jir, dhakhtar dhinaca jidh dhiska iyo duugista ah, ayaa sheegtay in iyada oo aan ogeyn ay shaqadii tagtay aroortii dambe, laakiin shaqaalaha oo wada ogaa ay mar keliya guux iyo qosol madaxa la luleen, markii ay warka heshayna waxa ay go’aansatay in ay disho saygeeda, laakiin aakhirkii ay dib isu ladqabaysay, gaar ahaan markii ay aragtay in qiimaha iibkeeda lagu doonayaa uu gaadhay illaa 73 kun oo doolar.