Warkii Wasiir Cukuse Ee Waftiga Dawladu Run Baa U Ahaa, Sax Se Ma Ahayn M. Haaruun – mbiixi@gmail.com

0
685

1Muxuu qalinku sheekiyo.

Qubanaha dharaartiyo

Hadba qodob layaab liyo.

Ma hadhooyin qorayaa. (Hadraawi)

Maalintii shalayto ahayd (Isniin, 17 Oct, 2016) waxa Hargeysa ku soo laabtay wafti Somaliland ka socday oo London ka soo kicitimay. Maqnaanshaha waftigaasi, iyo soo noqoshadoodu ba si isku mid ah ayaa ay dood iyo muran u abuurtay. Sababaha doodda dhaliyay waxa u waynaa laba uun: waftigani oo ahaa midkii ugu tirada badnaa, uguna maqnaanshaha dheeraa ee beryahan wadanka ka safra; iyo ta ka sii daran oo ah, ujeedada waftigu u maqnaa oo xukuumadda qudheedu ay cadaysay in aanay ahayn dan qaran oo la wada leeyahay. Somaliland cidina sharci ma ixtiraamto, asluub dawladeed na cidi ma xeeriso. Sidaas darted, ayaa qofka xukunka joogaa u u sameeyaa waxa uu doono. Haa, waxa ay sameeyaan waxa ay doonan, ilaa xad aanay ka fiirsanin hadalada ay sheegayaan in ay is burinayaan iyo in ay is taageerayaan. Waftigan oo keliya hadalada ay Wasiiradda Xukuumaddu ka sheegeen iyo sida ay isu burinayaan ayaa marag kuugu filan.

Bal u fiirso, Xukuumaddu war rasmi ah oo ay sii daysay maalintii waftigu baxay (26 Sep, 2016) waxa lagu sheegay in hawl qaran loo baxay. Intaas ka dib waxa si is daba joog ah u hadlaayay wasiirro kala duwan oo xukuumadda ka tirsan, oo dhamaantood sheegay in shaqo qaran lagu maqanyahay. Waxa ka mid ah Geeljire oo 30 September ka hadlay Star TV (Barnaamijka Naqaysiga), halkaas oo uu ka sheegay in waftiga Xukuumaddu dawladda UK kala soo hadlaayo amuuro kala duwan. Bishan October 14 keedii na, Wasiir Caddaani ga Warfaafinta ayaa la hadlay Wargeyska Geeska, waxa uuna sheegay in xukuumaddu UK u jjoogto sidii Somaliland loogu heli lahaa maalgelin shisheeye, wada xaajood amuurahaas ku saabsan, iyo amuuro kale oo ictiraafkii ka mid yahay na ay ku maqanyihiin waftigu. Si kastaba, hadda waxa soo baxday in intaas oo dhami ay ahayd huf iyo hal aan waxba ka jirin!

Xukuumaddu waxa ay si rasmi ah aakhirkii u sheegatay, oo waliba ku faantay, in aanu waftigaasi hawl qaran u bixin ee ay hawl xisbi iyo olole Kulmiye u joogeen UK. Sidaas waxa sheegay Wasiir Cukuse oo loo xil saaray, amaba isagu isu xil saaray in uu Xukuumadda iyo Xisbiga Kulmiye ba u hadlo. Wasiirka oo hadalkiisa tacbaan badani ka muuqdo (mooyi sababtu wax ay ahayd), ayaa shalay Xarunta Madaxtooyada suxufiyiinta ugu sheegay in ay soo abaabulaayeen taageerayaasha Kulmiye ee UK. In kasta oo taageerayaasha Kulmiye ee uu sheegaayo, iyo Xukuumadda ba uu khadkooda ka leexday, hadalo Xukuumadda ka hor jeeda na ka sheegay shirkii Birmingham ee 6 October, 2016, hadalkiisu na uu waji gabax ku ahaa guud ahaanba Kulmiye, hadana waxa aan qirayaa in uu Wasiir Cukuse markan uu safarka waftiga ka waramaayay run ku hadlay, laakiin se ay tahay run qalad ah. Wax kasta oo run ahi sax ma aha. Danta xisbiga in bil ku dhawaad loo maqnaado, oo hantida dadka ka dhaxaysa lagu soo ololeeyo, sax ma aha, waa se ogahay in Somaliland kolba qofka xukunka hayaa uu gar iyo gar darroba saxanyahay. Sidaas weeyaan xaqiiqaddu.

Si kastaba, su’aalaha ilaa hadda la is waydiinayaa waxa ay yihiin – Wasiiradda xukuumaddu sababta ay warar is burinaaya ugu hadlayaan maxaa ay tahay? Qof kastaaba ma wixii la qumanaada uun baa uu iska sheegaa? Mise sida dadka qaarkii qabaan, in ay xukuumadda ay ka tirsanyihiin iyo xisbigeeda qaladaadkeeda muujiyaan ayaa ay doonayaan? Tusaale ahaan, marka uu Wasiir Cukuse ku faanaayo in ay olole xisbi u maqnaayeen mudada intaas leeg, ma nidaamka dawladnimada ayaanu waxba ka aqoonin oo dan xisbi iyo mid qaran baa iskaga qaldan, mise waa uu is yeelyeelayaa? Armuu wadanka oo dhan Kulmiye u haystaa? Geesta kale, Wasiir Caddaani maalgelinta iyo ictiraafka loo maqnaa ee uu inoo sheegaayo xagee ka keenay? Imisa shirkadood ayaa lala soo hadlay, goorma ayaa ay se maalgelinta bilaabayaan? Ictiraafkii yaa lagala hadlay? Masuuliyiinta lala hadlay magacyadooda, goortii iyo goobtii lagula hadlay ma noo sheegi karaa? Waxa aan hubaa in ay jawaabtu tahay maya. Al-muhim, ila inta la helaayo shicib hab qabiili ah aan u fikiraynin, iyo saxaafad madax banaan oo micno leh, dhaqanka noocan ahi waa uu sii jiri doonaa. Sidaas oo kale, waa ogahay in aanu hal qoraal qaladka jira iyo kufsashada dawladnimada wax ka bedeli karin, laakiin kolba wixii kula gudboon in aanad ka baaqsanin waa waajib.