Murashax Xasan Xaydh Oo Dhoolatus Dhumuc Balaadhan Ku Soo Bandhigay Hargeysa

1
561

Hargeysa(Geeska)-Urur siyaasadeedka WADDANI ayaa shalay  cududa taageereyaashiisa caasimadda Hargeysa ku soo bandhigay isu soo baxyo balaadhan oo 25-kiisa Murashax ee caasimadda Hargeysa ay si gooni gooni ah ugu qabsadeen xarumahooda.

Dhoolatuskii ugu dhumucda weynaa ee WADDANI waxa shalay Murashax Xasan Cabdi Maxamuud (Xasan xaydh) ku qabsaday maqaamka Sh. Madar ee degmadda Gacan Libaax, halkaasi oo Hoggaanka WADDANI kala hadleen Taageereyaal aad u tiro badan oo halkaasi iskugu soo baxay.

Waxa ugu horayn halkaasi ka hadlay Xildhibaan Xasan Cabdi Maxamuud oo ka mid ah Golaha deegaanka ee wakhtigiisu dhammaaday hase yeeshee dib iskugu soo sharaxay xilkaasi mar kale, waxaanu yidhi “Anigu waxaan ka sharaxan nahay xisbiga WADDANI, ha mooodina inaan hilmaamay maanta urur ma aha ee waa xisbi WADDANI. waxaan aaminsan nahay markii aan eegay cududa WADDANI ee gobolada oo dhan ka eegay, waxaan arkaa WADANI inuu yahay xisbi. waxaanan aaminsan Nahay haddii aan la is boobaynin oo si xor iyo xalaal wax loo kala saaro in inuu kow yahay WADANI.”

Xildhibaan Xasan Xaydh waxa uu sheegay in taageereyaashiisu joogaan shanta degmo ee Hargeysa oo uu dhammaantood ka doonayo cod,waxaanu yidhi “Aniga oo Xasan xaydha ah intiinan iyo in kale oo badanba waa I garaneysaan, waxaan ahaa nin toban sanno ku soo jiray golaha deegaanka Hargeysa. hadaba deegaanku waa deegaan oo gobol walba degaan buu lee yahay degaanka Hargeysa ayaan anigu ku soo jirey. Maantana Hargeysa ayaan wax ka doonayaa xaafad iyo degmo midna wax kama doonayo ee taageerayaashaydu waxay joogaan shanta degmo ee magaalada Hargeysi ka kooban tahay.”

Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland ahna Guddoomiyaha urur siyaasadeedka WADDANI Md.C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo halkaasi ka hadlay ayaa u mahad celiyay taageereyaasha murashax Xasan Xaydh, waxaanu u soo jeediyay inay soo saaraan Xildhibaankan oo waayo arag ah.

Comments are closed.