“Waxaanu Aragnay Nin Wasiir Ah Oo Intuu Inaadeerkii U Yeedhay Ku Yidhi Intaad Soo Saari Lahayd Xisbi Khatar Nagu Ah Labaatan Kun Oo Dollar Qaado Oo Is Casil”

0
3823

abtiyoHargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe, ayaa Madaxweyne Siilaanyo ugu baaqay inuu qaato door hoggaamiyenimo oo uu muujiyo dhexdhexaadnimo, si ay ururada siyaasadeed ee tartamayaa ugu kalsoonaadaan.

Md. Faysal Cali Waraabe, oo xalay waraysi gaar ah siiyay wargeyska Geeska Afrika, wuxuu bogaadiyay guddiga anshaxa doorashada oo uu sheegay inay garab taaganyihin. Ugu horayn isagoo ka hadlaya guddiga ilaalinta anshaxa doorashada, wuxuu yidhi “ Horta marka hore  waxaan aad u hambalyaynayaa gudida anshaxa doorashada  , shaqadii loo sameeyayna sideedii bay ugu dhaqmayaan, xaqana waa ay ku adimeen, laakiin waxa weeye  yaa ina kal qabanaaya  dadkii ay ahayd inay sharciga fuliyaan ayaa iyagii jabinaaya, oo madaxweynahii ay ahayd inuu tusaale u noqdo oo uu dadka u dhexeeyo ayaa isagii ololaynaaya, wasiiradii baa si cad u leh anagu xaq baanu u leenahay inaan ololayno, agaasimayaashiibaa leh anagu Kulmiyaanu ahayno xaq baanu u leenahay inaanu ololayno.”

Wuxuu soo jeediyay in Madaxweynuhu isugu yeedho ururada siyaasadda, lana yeesho kulan, “ Arintaan haddaan labadaas wiig ee dhacay si dhaqso ah  madaxweynuhu fadhi ka yeelan oo u yeedhin  asxbaata iyo ururada  oo aan la xakamayn si loo ogalaado natiijada ka soo baxda doorashadaasu waa ay adagtahay.” Ayuu yidhi.

Faysal, oo ka hadlaya rajada uu ka qabo in UCID noqdo xisbi qaran, wuxuu yidhi “Anagu UCID ahaan waxaanu filaynaa inaanu nahay xisbiga ugu dadka badan oo baqi mayno, dad baana u qaatay inaanu baqayno, ee waxaanu u baqaynaa dalka farsamo xumada dalka ka taagan iyo is dhex yaaca iyo sharci jabinta socota ee cid loo ashkatoodaa aanay jirin, ee kii loo ashkatoon lahaa ee qaban lahaana isagii ololii u horaynaayo ee wasiiradiisii ololaynayaan. Shacbiga reer Somaliland waxaan leeyahay arintan waa in aynu inagu xil iska saarnaa waana in aad loo hadlo oo la canbaareeyo, masuul kastaana halkuu lacaga ku hayay sida uu doono ayuu ku isticmaalayaa, waxa  nala gaadhsiiyay in musharaxiintayadii ay yidhaadaan lacag haddii aydaan nasiinin lacag baa la bixinayaaye waanu is casilaynaa, halkaas ayaa la marayaa.”

Isagoo ka hadlaya xisbiga KULMIYE, wuxuu intaas raaciyay “ Xisbiga talada dalka haya ururka lacagta loo furay ee la doonayo in xisbiyada lagu jabiyo ee aynu isla wada garanayno ee meel kasta laga sheegaayo haddaan la joojin waxaanu sheegaynaa inaanu go’aan ka gaadhi doono doorashada, waxaanan arkaynaa in dalkeenu uu ku socdo wadadii uu rabshad ku gali lahaa, mar haddii aanay jirin cid inoo dhex ah oo ina kala qabataa, oo musharaxiintii xisbul xaakimka la siinaayo lacagtii umadda, oo kuwayagii la leeyahay lacagtan qaata oo is casila dee taasi doorasho maaha, markaas waxaanu leenahay gudidaas anshaxa waanu amaanaynaa oo waanu garabtaagan nahay qaylada hajoojinina waanu idin taageersanahay ee xaqa ku adima.”

Ugu dambayn, wuxuu sheegay in safarada uu Madaxweynuhu ku tagayo gobalada dalka qaarkood ay yihiin olole siyaasadeed, waxaanu sheegay inuu jiro wasiir aanu magacaabin oo labaatan kun oo dollar ku bixiyay dagaal ka dhan ah xisbigooda, waxaanu yidhi “ Socdaalada madaxwaynuuna waa olole, wasiiradiisiibaa meel walba tagay oo lacag qaaday oo beel ahaan u shiriyay kuwii noo sharaxnaa is casilana ku yidhi lacag baa laydin siinayaaye iyo shaqo, waxaanu aragnay nin wasiir ah oo intuu inaadeerkii u yeedhay ku yidhi intii aad soo saari lahayd xisbi anaga khatar nagu ah labaatan kun oo Dollar  qaado oo is casil dekedana shaqaanu kaa siinaynaaye. Taas oo cad baanu haynaa, haddii aan arintaa la joojin oo aanu madaxweynuu ka hadlin oo aanu sharciga fulin anaguna wax kale ayaanu ku dhawaaqaynaa.”