Murashax Saacadda Oo Uu Eegay Iyo Mid Daal Uu La Neef-Tuuray Awgood Loogu Codayn Waayey: Kaalinta Ay Doodda Murashaxiinta Maraykan Ku Leedahay Guusha (2)

0
560

1Washington (Geeska)- Waa qormadii uu Geeska Afrika turjumay ee ay shabakadda wararka Al-Carabiya dabagalka iyo baadhista ku samaynaysay madaxweynayaasha Maraykan  ee doodda talefishanka ee ay la galeen raggii la tartamayey u noqotay fure ay ku furaan albaabka Guriga Cad, kadib markii codbixiyaha Maraykan uu ku qancay hadalka murashaxa, qiimayntiisuna siisay in uu yahay ruuxa ku habboon hoggaaminta dalka iyo kuwo hadalkii ay dooddan ka yidhaahdeen ama ficilkii laga arkay sabab u noqday in codka loo diido.

Ronald Reagn iyo Walter Mondale

Sannadkii 1984kii ayaa Ronald Reagan oo markaas ahaa oday 73 jir ah, uu ku guulaystay in uu dooddan loo qabto murashaxiinta oo afar wareeg ah kaga adkaado ninkii la tartamayey ee xisbiga dimuqraadiga ka socday oo ahaa Walter Mondale oo ahaa 56 jir muddo afar sano ahna madaxweyne ku xigeen soo ahaa.

Reagan dooddii koowaad waxaa laga dareemayey in uu isku dhex daadsan yahay, oo jaahwareer badani ku jiro, taas oo dhalisay cabsi ah in da’da uu yahay ay saamayn xun ku yeelan karto xukunkiisa, haddii uu kursiga ku guulaysto. Laakiin dooddii labaad waxaa ka muuqday diyaar garow badan, gaar ahaan waxa uu isu soo diyaariyey in uu dadka ka qanciyo in da’diisa Toddobaatanka dhaaftay aanay wax dhibaato ah ku keenayn xukunka. Intii dooddu socotay ayaa Reagan la weydiiyey bal in uu aaminsan yahay in da’diisu ay mushkulad ku noqon karto haddii uu madaxweyne noqdo? Waxa aanu ku jawaabay ereho kaftan ah, balse khubarada arrimahan qiimeeyaa ay aaminsan yihiin in ay ahaayeen kuwii sababta u noqday guushiisa  ka dhigtay madaxweynihii xilligaas dunida intii madax jirtay ugu da’da weynaa.

Reagan markii su’aashan la weydiiyey waxa uu ku jawaabay, “Ma’ doonayo in aan ka faa’idaysto dhalinyaronimada iyo waayo-aragnimo la’aanta ninkan ila tartamaya” taas oo uu uga jeeday in dadka uu fahamsiiyo in da’da uu ka weyn yahay ninkani ay keenayso uun waayo-aragnimadiisa oo ka sii badata tiisa.

Waxa ay ahayd jawaab hore loogu sii diyaariyey Reagan oo la ogaa in kollayba la weydiin doono su’aal la xidhiidha da’diisa. Haddana waxa ay dadku u fahmeen mid maskaxdiisa ka soo maaxatay, waxa aanay Reagan u qaateen nin baraarugsan oo da’du aanay maskaxdiisa baahin, maadaama oo uu si dhaqso ah oo weliba faham fogi ka muuqdo uga jawaab celiyey su’aash.

Waxaa la aaminsan yahay in sida uu su’aashaas uga jawaabay Reaan ay ka mid ahayd sababaha ugu waaweyn ee guusha madaxtinimada u horseeday, ninka la tartamayey ee Walter qudhiisuna waa uu qiray miisaanka jawaabtan oo mar uu ka hadlayey waxa uu qirtay in markii uu Reagan su’aashaas qaabkaas uga jawaabay, ay u caddaatay in Reagan uu ka adkaaday, oo weliba aanu dooda uun kaga adkaan ee xitaa doorashooyinka dhici doonana kaga adkaaday.

Jimmy Carter iyo Gerald Ford:

Sannadkii 1976kii waa tartan adag oo madaxweynenimo uu dhex maray Jimmy Carter  oo ka socday xisbiga dimuqraaddiga iyo Gerald Ford oo ahaa xisbiga Jamhuuriga, iskuna dayey in kursigan uu isagu sii hayo, kadib markii uu soo ahaa madaxweynaha, maadaama oo uu ku xigeen u ahaa Madaxweyne Nixon oo is casilay sannadkii 1974kii, kadib markii ay ku soo baxday fadeexaddii weynayd ee ku caan baxday Watergate.

Dooddii koowaad ee dhex martay Carter iyo Ford, waxaa si aad ah u gacan sarreeyey Ford, laakiin dooddii labaad ayaa uu si kedis ah Carter u weydiiyey Ford, su’aal la xidhiidha Midowga Soofiyati oo ahayd tii afka dhulka ugu dhufatay Ford. Waxa uu ka dalbaday bal hadda in uu ka hadlo saamaynta xooggan ee Midowga Soofiyati ku lahaa Yurubta Bari, jawaabta Ford waa ay ahayd mid madmadow badani ku jiro, oo aan laga filan karin siyaasi Guriga Cad joogay muddo Shan sano ah ooh al sano uu madaxweyne ku xigeen ahaa, afarta kalana madaxweyne.

Dad badan oo Maraykan ah ayaa Ford u arkay nin u baahan fariidnimo inta ku jirta ka badan, waxa aanay kala baydheen codkoodii oo ay siiyeen Carter oo doodda ka muujiyey in uu kursigan kaga habboon yahay Ford. Marka arrintan laga hadlayo waxaa lagu tilmaamaa hadal-calaalintii Ford kursiga madaxweynenimo seejisay. La soco…