Itoobiya Oo Masar Ku Eedaysay Kacdoonada Dalkeeda Iyo Jawaabta Qaahira

0
585

Hargeysa(Geeska/W.Wararka)-Dawladda Itoobiya ayaa eeddo culus u jeedisay dawladda Masar, kuwaas oo ah inay ka dambayso rabshadaha ka socda gobalka Oromada ee dalka Itoobiya, laakiin Masar ayaa eedahaas dafirtay.

1

Afhayeenka dawladda Itoobiya Mr. Getachew Reda, ayaa sheegay in dalkiisu hayo xogo cadaynaya in dawladda Masar ku lug leedahay kacdoonada ka socda Itoobiya, “Waxaanu haynaa cadaymo buuxa oo ah in ay dalka Masar ka dhaceen tababaro iyo kulamo maalgelin ah.” ayuu yidhi Afhayeenka Itoobiya, oo intaas raaciyay “Waxaanu si cad u ognahay in argagixisada OLF ay taageero noocyo kala duwan ah ka helayso dalka Masar.”

Mr. Getachew, wuxuu sheegay in kacdoonada Itoobiya ka socda lixdii bilood ee u dambeeyay ay sababeen in xaalad deg deg ah lagu soo rogo dalka, taas oo uu ku sheegay inay danta Itoobiya ku jirto.

Geesta kale, afhayeen u hadlay dawladda Masar oo ah afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Masar, ayaa dafiray eedaha dalkiisa loo jeediyay, waxaanu sheegay inay Masar dhawrayso walaaltinimada dalka Itoobiya.

Afhayeenka Masar, wuxuu ku baaqay in laga feejignaado isku day kasta oo lagu dhaawacayo xidhiidhka u dhexeeya Masar iyo Itoobiya, isagoo xusay in Masar tixgelinayso qaranimada Itoobiya.

Itoobiya ayaa waxa bilihii u dambeeyay ka taagnaa kacdoono siyaasadeed oo aakhirkii sabab u noqday go’aanka cusub ee ah in xaalad deg deg ah dalkaas lagu soo rogo.

Afhayeenka Itoobiya, Getachew Reda, ayaa sheegay in xaaladda degdegga ah loola jeeday in lagu mamnuuco bannaan baxyada. "Si loo dhawro xasiloonida dadweynaha dowladdu waxay garawsatay in ay daw tahay in si ku meel gaadh ah loo joojiyo mudaharaadda" ayuu yidhi, waxuuna intaa ku daray "qaska hubaysan ee ay wadaan kooxahan dambiileyaasha ah ee abaabulani ayaa lagu beegsanayaa xarumaha dowladda iyo kaabeyaasha dhaqaalaha ee muhiimka ah. Waxaanu haynaa caddaymo sugan oo muujinaya inay ka dambeeyaan dad aan doonayn in ay xukuumadda itoobiya ridaan e xataa doonaya inay gabi ahaan ba dalka Itoobiya afka dhulka u daraan."