Habab Cusub Oo Aad Iskaga Ilaalin Karto Cudurka Macaanka Noociisa Labaad

0
537

Qormadan waxa uu Geeska Afrika akhristayaashiisa ugu soo bandhigayaa shank a mid ah habab uu dhowaan sheegay Dr. Maxamed Oz in looga hortegi karo cudurka Macaanka oo muddooyinkan dambe si aad ah dunida ugu sii badanaya. Qormadan oo uu Geeska Afrika turjumay, soona koobay waxa uu ka soo xigtay shabakadda Webteb oo ka faalloota arrimaha caafimaadka:

1. Caanaha dufanka leh: Dufannada nooc ka mid ah oo ah kan laga helo caanaha dhayda iyo ciirtaba ayaa la ogaaday in haddii uu jidhka ku yaraado uu sababo macaanka noociisa labaad. Majalada Lancet ee ka faalloota arrimaha macaanka oo ka soo baxda dalka Ustareeliya, ayaa sheegaysa in tijaabo caafimaad iftiimisay in dadka caano dhanka ahi ay boqolkiiba 23 dadka kale kaga yar yihiin cudurka macaanka noociisa labaad sababtuna tahay dufankaas.

2. Cunista khudradda: Khudradda oo maalin kasta la cunaa waxa ay ka hortagtaa cudurka macaanka noociisa labaad, daraasad caafimaad ayaa lagu ogaaday in wiiggii uu saddex jeer khudradda wax laga cunaa ay boqolkiiba 16 hoos u dhigto khatarta ah in qofkaas uu ku dhaco cudurka maaanku, sababahana waxaa ka mid ah, macdanta ay khudraddu qaniga ku tahay ee Magnesium, oo si weyn u caawisa habaynta iyo hab-sami u hawlgelidda Glucose ta oo cilad ku timaaddaa ay sababto macaanka.

3. Khalkhalka hurdada: Waxaa jira khalkhal hurdada ay ku keenaan xanuunnada qaar, sida xanuunka lagu magacaabo Sleep Apnea oo keena in qofku marka uu seexda neeftu yara qabato, kadibna hurdada ka boodo. Hurdada oo qofku si joogto ah u wadan waayo oo sababo xanuun ama cillad uun kale ahi si joogto marka uu in yar hurdaba u baraarujiyaan, (Uga kala googooyaan) waxa ay keentaa in Glucose tu sidii la rabay u shaqayn weyday, waxa aana dhacda in unugyadu ay helaan sonkor ka badan tii ay u baahnaayeen, sidaa awgeed dadka xaaladahan leh boqolkiiba 23 waxa ay u badan yihiin in uu ku dhaco cudurka macaanka noociisa labaad. Markaa waxa ay khuabradu ku taliyaan in qofka xaaladdan lihi uu dhaqso isaga daweeyo. La soco…