Muranka Lammaanaha Is-qaba Ee Gaadhiga Dhexdiisu Dhayal Kuma Qaboobo Haddii Uu Ninku Gaadhiga Wado

0
563

Brno (Geeska)- Daraasad uu sameeyey maxad ka shaqeeya caafimaadka nafsiga ah oo ku yaalla magaalada Brno oo ah magaalada labaad ee ugu weyn dalka Czech Republic ayaa lagu ogaaday in khilaafkaad qoysaska dalkaasi ay badanaaba bilowdaan 15 daqiiqo oo keliya kadib marka ay lammaanuhu baabuurkooda wada fuulaan, waxa aanay daraasaddu dumarka ku eedaysay in ay yihiin sababta ugu weyn ee bilowda khilaafkaadkan.

Waxa ay daraasaddu xustay in gabadhu isla marka ay gaadhiga la soo fusho ninka doonto in ay ka wada hadlaan dhammeeyaanna arrimahoodii u gaarka ahaa. Laakiin ninka oo ku mashquulsan wadista baabuurka iyo indhihiisa oo ku maqan saxmadda iyo wadada ayaa inta badan su’aalaha gabadha ka bixiya jawaabo gaagaaban oo aan sinnaba ula mid ahayn doodaha iyo jawaabaha adag ee uu bixiyo marka uu guriga joogo. Daraasaddan oo muddo ka hor uu faafiyey Telefishanka Aljazeera waxa ay sheegtay in caadi ahaan khilaafaadka qoyska ee ugu badani dhasho inta ay baabuurka wada saaran yihiin lammaanuhu, iyaga oo tilmaamay in khilaafkaasi yahay mid aan ka dhalan wax muhiim ah. waxa kale oo ay daraasaddani sheegtay in marka la murmayo ama doodi jirto ay dumarku saddex laab ka hadal badan yihiin ragga, marka ay noqoto in ay ku murmaan baabuurka gudihiisana waxa sii kordho dood iyo hadal badnida gabadha. Maadaama oo uu ninku ku maqan yahay baabuurka gabadhuna firaaqo badan u haysato in ay sheegto wax kasta oo uurkeeda ku jira.

Dr. Taile oo madax ka ah cisbitaal lagu daweeyo cudurrada nafsiga ah ayaa isaga oo ka hadlaya natiijada daraasaddan uu Wargeyska Geeska Afrika ka soo xiganayo shabakadda Al-Jazeera waxa uu sheegay in raggu caado ahaan marka ay baabuurka wadaan ay inta badan dhegeystaan dumarka marar badanna su’aalaha dumarka kaga jawaabaan aamusni iyo in uu ku jawaabo ereyo aan macno ahaan aad u dhamaystirnayn ama ugu yaraan aan u faahfaahsanayn sida ay gabadhu ku qanci lahayd. Dhanka kale waxa ay daraasaddu sheegtay in ninku aanu awoodin isaga oo hawl wada in uu si dhamaystiran hawl kale u bar bar wado, laakiin ay dumarku taas ka duwan yihiin. Waxa ay daraasaddu xustay in gabadhu ay awooddo in ay daawato Telefishanka iyada oo dhanka kalana kala hadlaysa carruurteeda waliba mararka qaarkoodna shaqo kale, sida kaawiyadda gacanta ku haysa. Waxa ay awooddaa in ay Telefishanka daawashadiisa si mug leh ula socoto iyada oo isla markaana telefan kula hadlaysa qof kana hadlaysa arrimo muhiim ah. taas oo ay khubaradu ku sababeeyeen in ay daraasaddan ku ogaadeen in abuurka maskaxeed ee gabadha iyo ninku aad u kala duwan yihiin, waana ta suuro gelinaysa in gabadhu iyada oo wadda baabuurka si xiiso leh ay ula hadasho ama si diiran ula doodo ninkeeda isla markaana ay ka adkaato in ay sida ugu haboon u maamusho gaadhiga.