Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Guddida Diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka JSL (GDUS&AAQ), kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta hannaanka dimuqraadiyadda, ku-dhaqanka iyo kor-joogtaynta shuruucda iyo gudashada waajibaadka Qaran ee ay Guddidu u xil-saaran tahay.
Guddidan oo ah Hay’ad Qaran oo madax-bannaan ayaa waxa ay u xil-saaran tahay diiwaangelinta, kormeerka, kobcinta, iyo xallinta khilaafaadka Axsaabta Qaranka iyo Ururrada Siyaasadda.
Guddida Diiwaangelinta Ururada Siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka ayaa Madaxweynaha ugu xog waramay halka ay marayso shaqada guddidu, qorshaha mustaqbalka dhow iyo kan fog, iyo caqabadaha jira.
Intii uu kulanku socday, xubnaha Guddida ayaa Madaxweynaha warbixin faah-faahsan ka siiyey hawlaha uga qabsoomay dhinacyada kala duwan ee nidaamka diimoqraadiyadda iyo axsaabta badan ee dalka, waxa ayna Madaxweynaha gudoonsiiyeen Qorshahooda Istraatejiyadda (Strategic Plan) ee sannadaha 2025 – 2026.
Sidoo kale, Guddidu waxa ay Madaxweynaha la wadaagtay qorshaha dhow ee ah Casriyeynta hawl-qabadka Guddida oo ay ka mid tahay in dhammaan xogta ay kaydiso Guddidu laga dhigi doono mid electronic ah (Digital Data Base), qorshaha samaynta ‘Democracy Academy’, Qorshaha Dib-u-habaynta Diimoqraadiyadda, Dhiirigelinta ka-qayb-galka loo dhanyahay ee Diimoqraadiyadda, kobcinta Axsaabta Siyaasadda, iyo islaxisaabtanka iyo daahfurnaanta.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa Guddida Diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka ku bogaadiyey dedaalka iyo masuuliyadda ay Qaranka u hayaan, isaga oo ku boorriyey in ay dardargeliyaan oo ay dhammaystiraan hawlaha muhiimka ah ee horyaalla.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu Guddida u xaqiijiyey in Xukuumaddu ay garab taagan tahay Hay’addan Qaran ee u xilsaaran ilaalinta iyo horumarinta dimuqraadiyadda, isaga oo ku adkeeyey in ay si daacadnimo iyo xilkasnimo leh u gutaan waajibaadkooda, si loo sii xoojiyo dhaqanka dimuqraadiyadeed ee Somaliland iyo kalsoonida shacabka ee hay’adaha Qaranka.












