Gabadhu Abuur Ahaan Ayaanay Ugu Fiicnayn In Ay Caddayso Waxa Ay Doonayso, Markaasay SaygeedaKu Canaanataa Sababta Uu Isheeda Uga Garan Waayey

0
732

Picture8Hargeysa (Geeska)- Waa qayb kale oo ah qormadii ka waramaysay kala duwanaanshiyaha ragga iyo dumarka, qormadan oo aad u xiiso badan waxa ayaa uu Wargeyska Geeska Afrika ka soo qaatay buugga les hommes, Le sexe, etc. ee ay qortay Ellen Willer oo ah saxafiyad qoraa ah oo u dhalatay kuna nool dalka Faransiiska.

Culimada ku xeel-dheer cilmiga bulshadu waxa ay xaqiijiyeen in gabadhu aanay abuur ahaanba u darbanayn in ay ereyo sax ah ku cabbirto doonisteeda iyo waxa ay ka rabto saygeeda in ay si cad ugu sheegto, waxa aanay doonisteeda ku sheegtaa qaab sarbeeb ah, sida in ay tidhaahdo, “Bal ka warran haddii aynu caawa hudheelka ka soo wada cashayno?” iyada oo laga yaabo in ujeedadeeda dhabta ahi ay tahay, “Caawa aad baan u daalanahay, oo ma awoodi karo in aan casho diyaariyo, waxa aan kaa codsanayaa in cashada guriga aynu caawa iska deyno oo hudheelka aynu u doonano, si anigana ay hawshu iga fududaato” Mushkiladdu waxa ay tahay ninka oo ah dheg-weyn u baahan in ay gabadhu si cad ugu sheegto waxa ay dhab ahaan ka doonayso, ama aan sidaa sahalka ah u fahmi Karin duur xulka haweenka. Waa hubaal in aanu ninku u darnayn xaaskiisa, oo ay ku beeran tahay ruux mar kasta u dabacsan daryeelkeeda, haddii uu duur xulkeedan fahmi lahaana uu dhaqso ugu qaban lahaa waxa ay rabto, laakiin nasiib darro abuur ahaan ayaanu u darbanayn in uu taas fahmo, waana sababta keenaysa in dalabkaas uu si sahal ah ugaga jawaabo, “Mayee innaga daa, caawa ma awoodi karno bixis, ama cuntada guriga ayaan ka doorbidayaa taas hudheelka” IWM. Nasiib darro, jawaabtaas ninku waxa ay gabadha markaba ku beertaa shucuur cadho iyo xiqdi ah, waxa aanay u qaadataa in ninkeedu uu yahay bilaa dareen ama ruux naxariis daran oo marna in uu nasiyo aan doonayn.

Gabadha waxaa ku beeran shucuur masuuliyadeed oo abuur ah, waxa aanay mar kasta si nafsiya u aaminsan tahay in iyada laga rabo daryeelka saygeeda iyo in ay u fuliso adeegyada guriga, taas oo keenta in ninku isaga oo ana waxba weydiisan ay wax badan u qabato, ama in ay marar badan u qabato adeegyo iyo shaqooyin laga yaabo in aanu markaas isagu xasuusnaynba in uu u baahnaa, ama ka fikirayey sidii uu ku heli lahaa, balse aanu waqti u hayn, xaaskiisana weli ka codsan, marar badanna waxaa dhacdaba in afadu ay indhaha saygeeda ka akhrisato baahidiisa oo ay u fuliso, isna uu ku soo naxo oo hoos isu yidhaahdo, tolow, ma qalbigaaga ayaa ay daalacagatay, nasiib darro sida ay khubarada cilmigu sheegayaan arrintani waxa ay gabadha ku beertay shucuur ah in ninkuna la mid yahay oo sidaa ay iyaduba wax badan dusha uga fahmayso isna u fahmayo, sidoo kale abuur ahaan ayaanay uba diyaarsanayn in ay iyadu adeeg dalbato in iyadda laga dalbadaa ha joogto ee, sidaa awgeed waxa ay doonaysaa in saygu uu indhaheeda ka garto baahideeda, haddii kale waxa ay u arkaysaa ruux bilaa shucuur iyo naxariis ah oo aan kaba war haynin xaalkeeda, waana mid ka mid ah sababaha keeni kara burburka qoyska.