Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay Munaasibadda Shaacinta Shaqaalaha Cusub ee Dawladda ee buuxinaya boosaska shaqaalaha hawlgabka galaya sannadka 2026-ka.
Madaxweynaha oo munaasibadda ka jeediyey hadal qiimo leh ayaa sheegay in Shaqaalaha Dawladda iyo Ciidamada Qaranka Somaliland ay leeyihiin xaq sharci ah oo ay ku helayaan mushaharkooda iyo xaqsiinta hawl-gabkooda, iyada oo la ilaalinayo lana fulinayo xeerarka dalka u yaalla.
Madaxweynuhu waxa uu xusay in Xeerka Hawlgabka iyo Xaqsiinta Shaqaalaha Dawladdu uu si gaar ah u dejinayo nidaamka lagu maamulayo xuquuqda hawlgabka, taasi oo ay u xil saaran tahay Hay’adda Hawlgabka iyo xaqsiinta Shaqaalaha Dawladda.
Madaxweynuhu waxa uu carrabka ku adkeeyey in hirgelinta nidaamka hawlgabka iyo xaq-siinta Shaqaalaha Dawladdu aanay ahayn keliya arrin maamul, balse ay tahay gudasho waajib Dastuuri ah iyo ilaalinta xaq sharci ah oo ay leeyihiin Shaqaalaha Dawladda ee muddada dheer u soo shaqeeyey Qarankooda.
Madaxweynuhu waxa uu hoosta ka xarriiqay in hawlgabku aanu ahayn dhammaadka qiimaha iyo karaamada qofka Qaranka u soo adeegay, balse uu yahay marxalad uu Qaranka JSL gudanayo waajibaadkiisa ku aaddan xaqsiinta, daryeelka iyo sharafta shaqaalihii u soo adeegay Qaranka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu si gaar ah ugu mahad naqay dhammaan Shaqaalaha Dawladda ee gaadhay da’da hawlg-abka kuwaasi oo uu sheegay in ay sannado badan oo ka mid ah noloshooda iyo duruufo adag u huray u adeegidda Qaranka JSL.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu bogaadiyey Hay’adda Hawlgabka iyo Xaqsiinta Shaqaalaha Dawladda shaqada wacan ee ay muddo kooban ku soo ban-dhigeen, isaga oo faray dhammaan Wasaradaha, Hay’adaha Dawladda iyo laamaha Qaranka JSL in ay si buuxda ula shaqeeyaan Hay’adda Hawl-gabka iyo Xaqsiinta Shaqaalaha Dawladda.










