Mawqifyo Xanuun Badan Oo Naftu Aanay Jeclaateen Inay U Soo Joogto, Laakiin Noloshu Lama Huraan Ka Dhigayso

0
659

Hargeysa (Geeska)- Waa ereyo xikmad badani ku duugan tahay oo uu wargeyska Geeska Afrika ka soo xigtay bogga saxafiga caanka ah ee Zaami Al-Xaaj oo ka hawlgala Talefishanka Al-Jazeera uu ku leeyahay bar-kulanka bulshada ee facebook.

Waxa aan murugoodaa marka aan:

– Waxa aan murugoodaa marka aan xiiseeyo waqti fiican oo i dhaafay in uu soo noqdo.

– Waxa aan murugoodaa marka aan xasuusto qof wanaagsanaa oo adduunyada kaga ambabaxay safar aan soo noqosho lahayn.

– Waxa aan murugoodaa marka aan muraayadda hor istaago ee aan ku sigto in aan muuqayga garan waayo (In aan is garan waayo is-beddelka igu dhacay dartii)

–  Waxa aan murugoodaa marka aan cod dheer oo qaylo dhaan ah dirto, ee cid i jawaabta aan waayo.

– Waxa aan murugoodaa marka aan dareemo dulmi la igu hayo oo aanan taag u haynin in aan naftayda ka difaaco.

– Waxa aan murugoodaa marka aan jacaylka dartii uga tanaasulo wax yaabo badan oo ay naftaydu u baahnayd.

– Waxa aan murugoodaa marka ay duruufuhu igu qasbaan in aan mabaadii’dayda qaarkood beddelo si ay noloshu u socoto.

– Waxa aan murugoodaa marka ay waayuhu i badaan in aan jilo kaalin aan igu habboonayn.

– Waxa aan murugoodaa marka aan ku qasbanaado in aan cagtayda hoos dhigo shay kasta iyo ruux kasta oo aan jeclaa si aan uga dhigto kaabad aan ku gaadho meel sare oo aan hiigsanayo. La soco…