Muran Dheer Kaddib Waxaa La Xaqiijiyey In Bunku Aanu Wax Xidhiidh Ah La Lahayn Cudurka Kansarka

0
834

Sydney (Geeska)- Bunka oo ka mid ah cabitaannada ugu shacbiyadda badan adduunka, ayaa sida oo kale ka mid ah cabbitaannada daraasaadka ugu badan laga sameeyo, si loo hubiyo saamaynta caafimaad ee uu qofka ku yeelan karo. Sidaa awgeed waxaa marar kala duwan soo baxa natiijooyin is burinaya oo qaarkood ay sheegayaan waxtarka bunka kuwo kalana xaalado caafimaad darro ku xidhiidhinayaan.

Waxaa u dambeeyey cilmibaadhayaal u dhashay dalka Ustareeliya oo ogaaday in cabbista bunku aanay kordhin khatarta ah in qofka uu kansar ku dhaco. Xeeldheereyaasha oo ka tirsan jaamacadda Queensland ee dalka Ustareeliya ayaa beeniyey natiijada daraasado hore oo iyaguna sheegayey in uu xidhiidh ka dhexeeyo xanuunkan iyo bunka.

Cilmibaadhayaashu waxa ay sheegeen in sidoo kale aanu jirin wax xidhiidh ah oo ka dhexeeya tirada koobabka bunka ah ee uu qofku maalintii cabbayo iyo guud ahaanba noocyada kala duwan ee Kansarka.

Natiijadan cusubi waxa ay qayb ka noqonaysaa murankaas soo jiray ee sheegayey in cabbsta bunku uu sababo xanuunka kansarka iyo kuwo ka soo horjeeday oo iyagu ku doodayey in uu qofka kaba ilaaliyo bunka.

Cudurka kansarku waxa uu ka mid yahay cudurrada ugu faafsan adduunka maanta, waxa aanu ku fidiyaa xawaare laga shaki qabo in uu sannadkan iyo sannadka 2020 gudahooda ku dhici doono laba milayn oo qof. Waxa aanay dhibtu ka taagan tahay, in saynisyahannada waaweyn ee adduunku ay weli ku jaahwareersan yihiin sababaha runta ah ee ay ku soo koobi karaan in ay cudurkan keenaan.

Inkasta oo aanay marnaba Meesha ka bixin doodda ay saynisyahanno badani qabaan ee sheegaysa in bunku uu sababi karo cudurka macaanka, haddana ugu yaraan natiijada daraasaddan cusubi waxa ay niyadda u dejinaysaa malaayiinta qof ee daafaha adduunka ku dhaqan ee sida joogtada ah u cabba bunka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here