Madaxweyne Dalkiisa Ka Mamnuucay In Heesta Qaranka La Shido Marka Uu Dalka Ka Maqan Yahay

0
268

Juba (Geeska)- Madaxweynaha dalka Koonfurta Suudaan Mudane Salva Kiir ayaa mamnuucay in munaasabadaha heesta qaranka laga qaado munaasabadaha aanu madaxweynuhu joogin.

Amarkan uu madaxweynuhu soo saaray ayaa lagu ansixiyey shirka toddobaadlaha ah ee golaha wasiirrada ee dalka oo qabsoomay jimcihii, waxaana ku dhawaaqay wasiirka warfaafinta ee Koonfurta Sudan, Michael Makuei ayaa sheegay in dadku ay heesta qaranka si qaldan u isticmaalaan, gaar ahaanna madaxda dawladdu. “Waxa aanu aragnay heestii qaranka oo la shidayo, xitaa marka munaasabadda cidda ka soo qaybgashay ay ku kooban tahay, wasiirrada, xoghayeyaasha, badhasaabbada iyo wasiirudawlayaasha. Arrintan waa in loo dhugmo yeeshaa, waayo heesta qaranka cid kasta looguma talagelin” ayaa uu yidhi wasiirka oo warbaahinta la hadlayey. Waxa aanu intaas ku daray in amarka cusub uu in heesta qaranka la shidi karo oo keliya marka uu madaxweynuhu fadhiyo munaasabadda. Maadaama oo sida uu sheegay heesta qaranka loogu talagalay madaxweynaha oo keliya ama munaasabadaha uu ka qaybgelayo.

Wasiirku waxa uu intaas ku daray in madaxweyne Kiir uu sida oo kale amar ku siiyey dhammaan taliyeyaasha ciidamada kala duwan in ay joojiyaan ka hadalka munaasabadaha dadweynaha, isaga oo sheegay in askariga sidaas doonaya ka tago shaqada ciidamada “Waa in ay kala doortaan in ay dirayska dhigaan oo ay siyaasiyiin noqdaan, xorna u ahaadaan ka hadalka isu soo baxyada dadweyaha” ayaa uu yidhi wasiirka oo intaas ku sii daray, “Xitaa haddii aad ka qaybgelayso munaasabad, waa in aad gaar uga joogtaa hadalka. Ha hadlin, waayo shaqadaadii maaha”

Ujeedada runta ah ee mamnuucistani ma cadda, laakiin waxaa la ogyahay in taliyaha guud ee ciidamada dalka Koonfurta suudaan uu dhowaan jeediyey hadal dadka qaarkiid oo ciidamadu ku jiraan ka cadhaysiiyey.

Wasiirku waxa uu hadalkiisa ku sheegay in fulin la’aanta amarradan ay ka dhalan doonto ciqaabi, laakiin ma’ uu sheegin nooca ay noqonayso ciqaabtaasi.

Dalka Koonfurta suudaan sannadkii 2011 kii ayaa uu madaxbannaanidiisa ka qaatay inta kale ee dalka Suuqaan oo qaybta woqooyi ah, kaddib dagaal tobannaan sano socday oo ay jabhado awood badani kula jireen dawladda Suudaan. Laba sano kaddib gooni isutaaggii, ayaa sannadkii 2013 ka ay ay dalka Suudaan ka bilowdeen colaado sokeeye oo aad loogu hoobtay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.