Sheekh Cismaan Oo Ka Digay Barnaamijka FaceApp

0
752

Hargeysa (Geeska)-Sheekh Cismaan Cali Xuseen, oo ka mid ah Culimada waaweyn ee dalka, ayaa ka hadlay Barnaamijka lagu magacaabo FaceApp, ee muddooyinkii ugu dambeeyey baraha bulshada haystay.

Sheekh Cismaan Cali Xuseen oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn wuxuu hadalkiisa ku bilaabay “Hadalka beenta ahi waa xaaraan Diiteenuna waa Diin qaaliya,ALLENAw uu inaga xarimay beenta oo la sheego, Sawirka oo been laga sheego ama ha la da’yareeyo ama ha la gaboojiyo qofka waa qofkii oo da’iidisi been laga sheegay, waana been cad, Diintuna raali kama aha, Sharciyana waa khalad, anigu waan arkay, waxaan se guud ahaan dadka uga digayaa inay ka digtoonadaan sawirkan beenta ah, inta sawirada lagu mashquulsanyahayna waxaa ka ajar iyo khayr badan in cibaadada iyo arimaha khayrka ah ee ALLE raalida ka yahay lagu mashquulo, aduunyadu waa maalmo, oo qof kastaana wakhti buu leeyahay, ee dadka waxaan leeyahay cabsida ALLE ha la badiyo, oo xisaabta dambe ee qiyaamaha la xasuusnaado”.

Sheekh Cismaan Cali Xuseen oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Wax kasta oo diinteena iyo dhaqankeena ka hor imanaya, in aad la iskaga ilaaliyo ayaa muhiim ah, madaama aynu nahay dad muslim ahna, waxaa la inooga baahan yahay inaynu ku dayano Nabigeena suuban ee Maxamed, naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaate, oo ah qofka adduunka ugu khayrka badan uguna mudan in lagu daydo, qofka muuminka ahna, qofka kale ee walaalkii ah waa u muraayad  ee aynu wanaaga isku baraarujino”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here