Liibiya: 40 Ruux Oo Ku Dhintay Xarun Hubka Lagu Kaydiyo

0
532

Picture1Mid kamid ah xarumaha lagu kaydiyo rasaasta Taangiyada ee dalkaasi Liibiya ayaa qarax weyn oo ka dhacay ay ku dhinteen ugu yaraan 40 qof.

Qaraxan ayaa ka dhacay xarunta Militariga ee ku taal duleedka magaalada Sabha ee koonfurta Liibiya, kadib markii xeradaasi militari ay xoog ku galeen dad shacab ah oo isugu jira Liibiyiin iyo kuwo kale oo Afrikaan ah oo doonayey inay dhacaan rasaasta iyo hubka ku kaydsanaa xeradaasi.

Ma cadda waxa sababay qaraxa waxaana la filayaa in tirada dhimashada ay intaasi ka badato, maadaama la rumeysan yahay in weli xerada gudaheeda ay ku xaniban yihiin dad rayid ah oo u yimid halkaasi bililiqada hubka iyo rasaasta kaydka ah.

Dowlada Liibiya ayaa xiligan wada olole ay ku adkeenayso amaanka wadankaasi iyo sidii loo xakameyn lahaa hubka gacanta ugu jira shacabka, walow aanay dowlada ku guuleysan inay hubka ka dhigto maleeshiyaadkii ka qeyb qaatay dagaalkii xukunka looga tuuray Col.Qadaafi.