Qisas Iyo Dhacdooyin Xiise Leh Oo La Xidhiidha Dhaarinta Madaxweyneyaasha Maraykanka Waxaa soo ururiyey Kamaal A. Cali…. Qaybta 2aad

0
715

Barak Obama waxa uu marar badan hadalladiisa iyo qoraalladiisaba ku sheegay in Abraham Lincoln uu yahay ruuxa uu kaga daydo siyaasadda ee weligii u ahaa xiddig uu bidhaansado. Abraham Lincoln waa hoggaamiyihii hoggaamiyey dagaalkii sokeeye ee ugu dhiig-daadashada badnaa,  xilli masiibadii ugu darnayd dalkaas ee dhinaca dastuurka ahi ka taagnayd, laakiin waxa uu ku guulaystay in uu dib u mideeyo dalka Maraykanka oo goballo badani ka go’een, iyo in uu soo afjaro gumaysigii dadka madow, oo malaha tallaabadaas u dambeysay ee aynu xusnay ay ahayd halka uu Obama kaga xidhmay, maadaama oo uu ka mid yahay dadka madowga ah ee dalka Maraykanka. Abraham Lincoln in kasta oo la dilay isaga oo aan dhamaystirin geeddii uu ugu socday wax-qabadkiisa, haddana waxa uu xoojiyey nidaamkii federaalka ahaa, waxa aanu casriyeeyey dhaqaalihii dalkiisa.

Dhaartii Trump: Laba Kitaab ayaa mar keliya lagu wada dhaariyey:

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo lagu tilmaami karo in uu yahay hoggaamiyihi loogu murmidda badnaa shakhsiyaddiisa ee soo mara Maraykanka ayaa isagu dhaartii jimcihii dhowaa loo dhaariyey aqalka Cad waxauu u adeegsaday laba buug oo bayballo ah.

Midka koowaad waxa uu kala mid yahay madaxweynihii uu xilka kala wareegay ee Barak Obama, oo waxa uu adeegsaday Baybalkii uu Abraham Lincoln gacanta saaray, in kasta oo aanay qormadani helin meel uu si toos ah ugaga hadlayo sababta iyo waxa uu buuggan ku doortay, haddana waxaa la malo awaalayaa in uu isaga qudhiisuna Abraham Lincoln ka xiiseeyey dhinacyo kale oo dabcan ka duwan dhinacyada uu Obama ka egay. Waxa la xusi karaa in hal-ku-dheggii uu Donald Trump ol’olaha ku galay ee ahaa “Ina Maraykan mar kale laga dhigo mid xoog badan” uu ugu duur xulayey in Maraykan uu awood badnaan jiray laakiin muddooyinkii u dambeeyey gaar ahaan intii ay talada hayeen labada Bush, Clinton iyo Obama uu noqday dal aad u taagdaran, dhaqaale ahaan iyo diblumaasiyad ahaanba, sidaa awgeed uu isagu mar kale ku soo celinayo awooddii isaga oo metelaya dadka aan iyagu siyaasadda u soo marin nidaamka siyaasiga ah ee dalka ka jira, balse ahaa ganacsade rayid ah oo aan abid shaqo dawladeed qaban.

Trump waxa ay u muuqataa in uu iswaafajinayey hal-ku-dheggiisan iyo wax-qabadkii Abraham Lincoln ee ahaa in uu xilka Maraykan qabtay xilligii ay qarxeen dagaallada sokeeye, ee  foosha xumaa, goballo lix ahina ka goosteen dalka, dadka madowga ahna si aad u daran loo gumaysan jiray, laakiin muddo gaaban gudaheed uu dagaalkii cudud milateri ku soo afjaray, goballadii goosashada ku dhawaaqay xoog ku soo celiyey, addoonsigii tirtiray, Maraykanna mar kale ka dhigay dal nidaam federaal oo xooggan ku dhisan oo awood dhaqaale iyo mid diblumaasiyadeed oo weyn adduunka ku leh.

Buugga labaad ee Trump doortay in uu gacanta saaro xilliga dhaarashada ayaa ah Baybal ay hooyadii hadyad ahaan u siisay markii uu sannadkii 1955kii dhammaystay waxbarashada dugsiga hoose oo uu ku qaatay dugsiga Sunday Church Primary School oo sida magaciisaba ka muuqata ahaa dugsi ay kaniisadi leedahay.

Trump hooyadii oo ah Mary Anne ayaa xafladdii qalinjebinta dugsiga hoose waxa ay wiilkeedan madaxweynaha noqday hadyad uga soo dhigtay buugga Baybalka. Isla buuggaas oo wadaaddada kaniisaddu ay hubiyeen in uu sax yahay ayaana loo sameeyey jaldi hoosta lagaga qoray magaca Trump kadibna isaga iyo kii Abraham Lincoln mar gacanta loo wada saaray xilligii dhaarta. Waxa aanay noqonaysaa markii saddexaad ee Lincoln dabadii Baybalkan gacanta loo saaro madaxweyne la dhaarinayo oo ah laba jeer oo Obama ah iyo halkan mar ee Trump.

Laakiin madaxweyne ku xigeenka cusub ee Maraykanka isaga waxaa xilligii dhaarta ee jimcihii gacanta loo saaray buugga baybalka ahaa ee uu hore gacanta u saaray madaxweynihii 40naad ee Maraykanka Ronald Reagan, waxa aanu Mike Pence noqonayaa masuulkii ugu horreeyey ee Reagan dabadii gacanta loo saaro buuggan. “Madaxweyne Reagan waxa  uu Iimaankiisu ahaa jacaylka Ilaahay iyo wanaagga dalkeenna. Waxa uu u dhaqaaqay in uu qaran isbeddel u keeno, markaasaa isbeddelkii uu qarankiisa u soo hooyey dunida oo dhanna isbeddel ka curiyey” ayaa uu yidhi madaxweyne ku xigeenka cusub ee Maraykanka Mike Pence oo sheegayey sababta uu ku doortay in uu gacanta saaro Baybalkii gacanta loo saaray Reagan.

Sida caadiga ah madaxweyne Kasta oo Maraykan ah marka uu xilka ka tago waxaa loo sameeyaa rug-kutubeed (Laybareeri) weyn oo gobalka uu doorto ku yaalla. kaas oo lagu ururiyo dhaxalkiisa. Waxyaabaha la dhigana waxaa ka mid ah Buugga gacanta loo saaro marka uu xilka madaxweynaha u dhaaranayo, waa haddii aanu ahayn mid uu hore ugu dhaartay hoggaamiye ka horreeyey oo la dhigay Rugtiisa Kutubta, marka ay sidaas tahayna waa laga soo ammaanaystaa xilliga dhaarta si dib loogu celiyo. La soco………..