Kooxo Hubaysan Oo Xalay Bambooyin Ku Weeraray Guriga Maayarka Lascanod Iyo Khasaaraha Ka Dhashay

0
608

 

kooxLaasacaanood( Geesk )-Guriga uu magaalada Laasacaanood ka deganyahay maayarka dagmadaas Faarax Cabdi Yare, ayaa banbooyinka gacmaha laga tuuro lagu weeraray xalay cawayskii, waxaanu weerarkaasi dhaawac fudud gaadhsiiyay wiil uu maayarku dhalay iyo mid uu adeer u yahay oo wakhtigaas guriga joogay.

 

Maayarka oo qaraxaas ka dib xalay u waramay  wargaysaka Geeska Afrika, wuxuu sheegay  in aan falkaas cid loo qaban balse ay baadhitaan hayaan ciidamada boolisku, waxaanu falkan ku tilmaamay kuwo ay cadawga Nabadu sameeyaan kolba marka la ilaabo.

Maayarka dagmada Laasacaanood Faarax Cabdi oo aan ugu horayntii waydiinay jiritaanka weerarkaas gurigiisa lagu qaaday iyo cidda wax ku noqotay waxa uu yidhi “ Weerarkaasu waa mid jira, waxaana lagu weeraray guriga banbooyinka gacmaha lagu tuuro, mid inamadayda kamid ah iyo wiil kale oo aan adeer u ahay ayaana dhaawac fudud uu ka soo gaadhay banbooyinkaas, falkaasna cid looma hayo ilaa hadda, laakiin baadhitaan ayay ciidmada boolisku hayaan.”

Maayarkan daegmada Laasacaanood Faarax Cabdi ayaa dhawaan la wareegay xilkaas maayarnimo, kadib markii uu iska casilay xilkaas maayarkii hore Kayse Maxamed Xaaji  Xuseen, waxaana magaalada Laasacaanood muddooyinkii danbe ku soo laabtay dilalkii qorshaysnaa ee lala beegsanayay masuuliyiinta iyo banbooyinka gacmaha laga tuuro oo in muddo ah magaaladaas ka joogsaday.