Mudanayaasha Golaha Guurtida Oo U Codeeyay In Murashixiinta Doorashada Deegaanka Astaamo Loo Sameeyo, Meeshana Ka Saaray In Lambaro Lagu Garto

0
508

guuriHargaysa( Geeska )- Mudanayaasha golaha guurtida ayaa wax ka badalis ku sameeyay xeerka doorashooyinka xeer 20, kuna celiyay golaha wakiilada oo iyagu xeerkaas dhawaan wax ka badalis iyo kaabis ku soo sameeyay.

Golaha guurtida ayaa xeerka doorashooyinka deegaanka lagu galaayo ee xeer 20 waxa ay ka badaleen calaamada musharaxa la siinayo oo komishanka iyo golaha wakiiladu ay isla soo qaateen in laga dhigo lambaro, si loo yareeyo warqada lagu codaynaayo doorashada fooda inagu soo haysa ee golayaasha deegaanka, waxaanay u bedaleen in musharaxa loo sameeyo astaan  lagu soo   doorto sidii doorashadii golaha wakiilada ee u dambaysay.

Mudanayaasha golaha guurtida xeerkan dood ay ka yeesheen kadib wax ay isku qanciyeen in aan dadka reer Somaliland oo u badan kuwo aan waxba akhriyin ay  mushkilad ku noqonayso haddii lambaro lagu doorto murashaxiinta, waxaanay doodooda ku soo gunaanadeen in loo badalo astaamo, taas oo ay ugu danbayntii u codeeyeen.

Fadhigan oo uu shir gudoominayay gudoomiyaha labaad ee golahaas Sheekh Axmed Nuux Fure, waxa ka soo xaadiray 45 xildhibaan, 40 Xildhibaan ayaa u codeeyay in xeekan doorashooyinka farqadiisa 22 oo golaha wakiiladu ay ugu soo codeeyeen In doorashada la siiyo musharaxiinta lambaro ay u badaleen halkaas Lambarada astaamo,waxa  diiday 2 xildhibaan, waxa ka aamusay xal xildhibaan, gudoomiyhuna muu codayn. sidaas ayaanu kaga ansaxay golaha guurtida.

Xeerkan doorashooyinka oo markii hore golaha guurtida uga soo gubay dhanka golaha wakiilada ayaa dib ugu noqon doona isla golahii wakiilada maadaama oo ay golaha guurtidu wax kabadalis ku sameeyeen,waxaanay arintan ku soo beegmaysaa iyada oo ay cabsho komishanka doorashooyinku ka muujiyiin in astaamo la siiyo musharaxiinta golayaasha deegaanka oo magaaloonka qaar ku dhaw 250 musharax.

Geesta kale, guddoomiye Saleban Maxamuud Aadan (Saleban-Gaal) oo muddo dalka ka maqnaa ayaa la sheegay inuu bishan gudaheeda ku soo laaban doono magaalada Hargeysa. Md. Saleban oo mudadaas arrimo caafimaad ugu maqnaa dalka Ingiriiska, ayaa la sheegay inuu dhawaan Hargeysa iman doono, ka dib markii ay xaaladiisa caafimaad caadi ku soo noqotay.