Hargeysa: Carwadii Labaad Oo Shalay La Soo Gunaanaday

0
535

carwaoHargeysa (Geeska)- Carwadii Ganacsiga Somaliland ee ay shirkadaha iyo Ganacsatada kala duwan ku soo bandhigayeen alaabooyada ganacsi mudadii ay socotay oo shan maalmood ahayd ayaa  si rasmi ah loo soo gabogabeeyey.

Munaasibadii lagu soo gabogabaynayey carwadan oo lagu qabtay Hoolka Carwadu ka socotay ee Hute-ka Maansoor ee magaalada Hargeysa waxa ka soo qayb galay Wasiirada Ganacsiga iyo Warshadaha Cabdirisaaq Khaliif Cismaan, Wasiirka Kaluumaysiga Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geeljire), Masuuliyiinta Shirkadaha Ganacsi ee alaabooyinkooda ku soo bandhigayey Carwada iyo dadweyne tiro badan oo soo booqday carwada Ganacsiga Somaliland.

Xafladan oo ay ugu horeynka hadleen masuuliyiinta ka socotay shirkadaha kala duwan ayaa dhamaantood waxa ay ku dheeraadeen muhiimada ay carwadan u lahayd iyo faa’iidooyinka ay u soo kordhisay.
Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Cismaan oo halkaasi ka hadlay ayaa ka waramay muhiimada ay carwadani lahayd, isaga oo sheegay in ay carwadii Ganacsi ee ay Wasaaraddiisu qaban jirtay ay u samayn doonaan nidaam sareeya, isla markaana u dejin doonaan qorshe sanad walba lagu talo,waxaanu yidhi wasiirku isaga oo arrimahaasi ka hadlaya “Carwadani waxa ay ahayd mid muhiimad badan ganacsatada Somaliland iyo kuwa kaleba u leh, taasi oo ay isku baranayeen, isla markaana ku soo bandhigayeen alaabtooda kala duwan, waxaanu sameyn doonaa carwada Ganacsi ee Somaliland ee la qabto in aanu u sameyno qorshe cusub oo ah in sanadkiiba wakhti la ogyahay la qabto, isla markaana ganacsatadu ku soo talo gasho sidii ay isu diiwaangelin lahayd”

 
Ugu dambayntii waxa halkaas lagu guddoonsiiyey Shirkadihii kaalmaha firfircoon ka qaatay habsami u socodka carwadan shahaadooyin.