Guddoomiye Cusub Oo Loo Xulay Jaamacadda Hargeysa Nuxurka Waxyaabaha Ay Golaha Sare Ku Doorteen

0
519

jaamcadaHargeysa(Geeska)-Golaha sare ee Jaamacadda Hargeysa ayaa magacaabay guddoomiyaha cusub ee Jaamacadda Hargeysa, ka dib markii uu xilkaas iska casilay guddoomiyihii hore.

Warsaxaafadeed uu soo saaray Magan Ibrahim oo ah la taliyaha Arrimaha Shaqaalaha iyo Maamulka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, ayaa wuxuu ku cadeeyay in Dr. Cabdi Xuseen Gaas, uu ku guulaystay jagada guddoomiyaha jaamacadda Hargeysa ka dib markii tartan loo galay. Warsaxaafadeedkaasi wuxuu u qornaa sidan:  “Guddida Jaamacadda Hargeysa oo la magacaabay horraantii sanadkan si ay u gudo galaan horumarinta Jaamacadda , soo xulista guddomiyaha jaamacadda, iyo dib u eegista arrimaha dhaqaalaha jaamacadda  ayaa waxay muddo dheer ku guda jirreen ka gun gaadhista arrimahaas.

 Waxa xulashada Guddoomiyaha Jaamacadda lagu soo xayeysiiyey saxaafadda. Waxa soo doontay jagadaas markii hore 21 qof. Waxa ay qaarkood noqdeen kuwo buuxin waayey shuruudihii laga doonayey.

 Guddida Sare ee Jaamacadda Hargeysa oo eegayesa danta jaamacaddu waxay go'ansatay inay mar labaad dib u xayeysiiso si ay dad kale fursad ugu helaan  jagadaas.

 

Muddo ayaa guddidu ku jirtay kala shaandhaynta dadkaas jagada guddoomiyaha soo doontay. Waxa la sameeyey kala reebis, iyadoo waraysigii ugu dambeeyey laga qaaday shantii qof ee buuxisay shuruudihii aqooneed, waayo aragnimo iyo farsamo ee looga baahnaa.

 Sidaa daraddeed, waxa jagada guddomiyaha Jaamacadda Hargeysa tartankii loo galay ku guuleystay Dr. Cabdi Xuseen Gaas.

 

Dr.  Cabdi Xuseen Gaas waxa uu muujiyey aqoonta, waayo aragnimada iyo hogaaminta looga baahan yahay Guddoomiye Jaamacadeed. Wuxuu haystaa shaqahaadadda Ph. D. in Education (Shahaadadda  Bare ama waxbarasho  ee ugu sarreeya), Masters in Management (Maamulka iyo Maareynta) iyo Accounting degree (Xisaabaadka) isagoo qaatay liisanka xisaabaadka ugu sarreeya ee loo yaqaan Certified Public Accountant (CPA).

 Wuxuu in badan ka soo shaqeeyey xarumo waxbarasho oo kala duwan, isla markaana noqday ninkii keliya ahaa ee jinsiyada madow u dhashay, muslimka ah ee guddoomiye waxbarasho ka noqday qayb ka mid ah gobolka New Jersey ee dalka Maraykanka.

 Isagoo dib u habayn ku sameeyey xarumo waxbarasho, waayo aragnimo badana u leh toosinta xarumaha waxbarashada. Mareeye sarena ka noqday hagidda waxbarashada iyo miisaanayadeeda qayb ka mid ah gobolkaas.

 Guddida oo ku qanacsan dhammaan arrimahaas la soo sheegay, isla markaana tartan siman u soo bandhigay aqoon yahankii jagadan soo doontay, waxay  ogeysiinayaan bahda waxbarashada, gaar ahaan inta danaysa Jaamacadda Hargeysa in Dr. Cabdi Xuseen Gaas loo xushay jagada Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa oo dhowaana xilka la wareegi doona.”