“Waxaynu Doonaynaa Inaynu Ka Gudubno Nidaamkii Kaligii Taliyaha, Awood Maroorsiga Iyo Iska Xidha”

0
3800

Hargeysa (Geeska) – Mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa fadhigii shalay loogu qaybiyey xeerka booliska oo guddida arimaha gudaha iyo difaacu ay wax ka badal iyo kaabis ku soo samaysay, si markaasi ka dib looga dodo oo loo ansixiyo.

Mudanayaasha Golaha Wakiilada ayaa waxa qodobbada ugu muhiimsan xeerkaasi u sharaxay Guddoomiyaha guddi hoosaadka Wakiilada ee arimaha gudaha iyo difaaca Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, waxaanu sheegay in xeerkani damaanad qaadayo in askariga booliska ahi aanu ka baqin in Mag la waydiiyo haddii uu hawlaha qaranka dhibaato ku geysto “Xeerkani waxa uu awood u siinayaa booliska inuu boolis noqdo, wax alaale iyo wixii uu geysto ee xeerka waafaqsan booliskaa ka masuul ah, taasina waxay kaabtay booliskii dhibaatadu haysatay ee reer hebel ahaa ee xaaladiisu ahayd nin mag uun ka baqaya, taana xeerkani wuu damaanad qaaday” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray in xeerkani taliyaha booliska u dhowray xuquuqda ah inuu awood u leeyahay kala bedalista taliyayaasha laamaha booliska “Taliyuhu isagaa u xaq leh inuu booliska kala bedallo, isagaa u xaq leh inuu booliska talaaboyinka sharci ka qaado, wasaarad ku shuqul lihina ma jirto, adduunka ma jirto Wasaarad taliyayaal badalaysa”

Guddoomiye Siciid Cilmi Rooble, sidoo kale waxa uu sheegay in xeerkani tilmaamayo in taliyuhu Magacaabi karo saraakiisha uu ugu sareeyo xidigle “Derajooyinka ciidanka, taliyuhu wuxuu awood u leeyahay wixii ka hooseeya xidigle, isagoo wareegto ku soo saaraya ka dib markuu la tashado guddida qiimaynta, halka Xidigle iyo wixii ka sareeya ay ku soo baxayaan digreeto Madaxwayne, sidoo kale Shaqo ka saaris, bedalaad, cafis, nidaamka booliska dhexdiisa ah taliyaha guud ayaa awood u leh, waana xilkiisa, markaanu aragnay xeerarka Uganda, Kenya iyo Koonfur Afrika”

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, waxa kale oo uu ka dayriyey xaalada saldhigyada booliska “Markaanu wareysanay boolisku dhibaatay qabaan oo saldhigyadiibaa buuxa oo jeelal noqday, jeelal inay noqdaana maaha, oo in dadka 48 saacadood ka badan lagu hayo looguma tall-galin, haddii kale xanuuno ayaaba laga qaadayaa, maxkamaduhu waa inay hawlahooda fushadaan ama jeelal cusub la dhiso” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray inay kormeer ku soo mari doonaan saldhigyada si ay xaaladooda war-bixin uga diyaariyaan, isaga oo xusay in golaha wakiiladu hawl badan qabanayo mudada loo kordhiyey ee labada sanadood ah “Shacabka iyo booliska in karaamadooda la ilaaliyo weeyaan nuxurka ujeedadeenu, waxaynu doonaynaa  nidaamkii dawladnimana iyo majarihii saxda ahaa oo aynu ka gudubno kii kaligii taliyaha, imtixaanka, awood maroorsiga, ku jiqsiida, iska xidha, laaluush bixinta iyo masaa’ibka”