Moorish: Koox Diineed Ku Doodaysa In Ay Hayso Qaybo Sir Ah Oo Ka Mid Ah Qur’aanka Kariimka Ah (1)

0
270

Marka laga tago diinta Islaamka iyo diimaha kale ee la yaqaanno, waxaa jira diimo qaarkood dhaqanno bulsho la xidhiidhaan oo adduunka laga aaminsanyahay. Diimahaas qaarkood waa la yaqaannaa ama marmar la maqlaa, laakiin tirakoob malaha oo mar kasta waxaa si joogto ah loo ogaadaa kuwo cusub oo mararka qaarkood dad badan ku noqda la yaab.

Haddaba diimahaas kuwii u dambeeyey ee dad badani ogaadeen waxaa la bartay markii dhowaan dalka Maraykanka ay ka socdeen dibadbaxyadii waaweynaa ee cadhadii ka dhalatay dilkii ninka madowga ah ee dalka Maryaknaka ka dhacay.

Waa diinta Mooriish oo ay aaminsan yihiin dad badan oo madowga dalka Maraykanka ka mid ahi.  Moorish oo ay dadka aaminsani sida oo kale isu yaqaannaan ‘Marookaanka Ameerika’ waa koox diineed dalkaas ka soo if baxday muddo hal qarni ka badan ka hor ahayd. Waxaa aasaaskeeda lahaa Nobel Drew Cali oo ah Maraykan madow ah oo sannadkii 1886 kii ku dhashay gobalka North Carolina ee dalka Maraykanka, sannadkii 1929 kiina xanuunka qaaxada ugu geeriyooday gobalka Chicago ee isla dalkaas.

Magaciisa saxda ahi waxa uu ahaa Timothy Drew, waxaa dhalay aabo asalkiisu ka soo jeedo dalka Marooko oo ahaa addoon lagu haysto dalka Maraykanka, iyo hooyo ka soo jeedda qabiil lagu magacaabo ‘Jerokee’ oo ka mid ah dadkii ‘Hindida Cas-cas’ loo yaqaannay ee asal ahaan deggenaa dhulka Maraykanka.

Taariikhaha qaar waxa ay sheegayaan in Timothy uu 16 kiisii bilaabay ku shaqaysiga sixirka, oo aanu dalka Maraykanka gudihiisa ku koobnayn balse dhul kala duwan maray. Meelaha uu tegey waxaa ka mid ah dalka Masar oo u umuddo ku negaaday.

Safarkaas uu ku tegey Masar ayaa la aaminsanyahay in uu ahaa barbilowga isbeddel weyn oo noloshiisa ku dhacay. Waxa ay kulmeen nin Suufi ah oo uu wax badan ka bartay. Timothy waxa uu ku andacoon jiray in uu suufigaas ka bartay xaqiiqooyin badan oo aanu hore uga aqoon Qur’aanka iyo mabaadii’da kale ee Islaamka.

Waxa kale oo uu Timothy ku andacoon jiray in ninkaas Suufiga ahi uu riyo ku arkay Nebi Muxammed (SCW) oo isu ekeysiiyey muuqaalka Timothy.

Timothy markii uu dib ugu noqday Maraykanka waxa uu la tegey fikir uu naftiisa ka aaminsan yahay in ay tahay shakhsiyad dahiran oo dhammaal diineed qaadi kara, maadaama oo uu Nebigu muuqaalkiisa isu yeelay sida uu suufigu sheegay.

Markii uu Maraykanka ku noqday Timothy waxaa ku sii xoogaystay fikirkii ismoodsiiska ahaa oo markan noqday in uu aamino in uu yahay Nebi qarsoon. Ugu dambayntiina waxa uu ku dhawaaqay in uu Nebi yahay, kaddib markii uu sheegay in uu riyo ku arkay iyada oo farriin loogu sheegay in uu aasaaso diin cusub, “Waxaa kugu waajib ah in aad aasaasto diin cusub, si kor loogu qaado basharka oo dulloobay” Ayaa uu ku andacooday in ay ahady farriinta loo soo dhiibay.

Sannadkii 1913 kii ayaa uu Timothy ku dhawaaqay in uu Nebi yahay, isaga oo ku andacoonaya in loo soo waxyooday diin cusub oo laakiin dhammaystir u ah diinta Islaamka. Waxa aanu aasaasay kitaabka waxa uu diinta ugu yeedhay oo ka kooban mabaadii’da Islaamka iyo cibaadooyinka Kiristaanka oo la isku dhafay. Xilliga uu ninkani diinta cusub sheegay waxa ay ku soo beegantay waqti ay dadka madowga ah ee Maraykanku duruufo aad u adag marayeen. Waxa aanay dad badani ku doodayaan in diintan samaynteeda iyo taageerada ay heshayba sababtoodu ahayd cadhada madowga ahi ka qabeen midabtakoorka lagu hayey.

Aasaasihii koox diineedkani waxa uu ku doodayey in diinta asalka u ah dadka madowga ah ee Maraykanku ay tahay diinta Islaamka, sidaas awgeed ay waajib ku tahay in ay dib ugu noqdaan caqiiqadoodii asalka ahayd. Waxa se uu diinta Islaamka u dhigayey hab ka duwan sida ay sax ku tahay, gaar ahaan dhinaca caqiiqada iyo cibaadooyinka labadaba.

Timothy oo markan la baxay Drew Cali waxa uu goobtii u horreysay ee cibaado dhisay dagaalkii koowaad ee adduunka kaddib, waxa aanu ka dhisay magaalada New York oo ahayd halka uu ka bilaabay dhambaalkiisa baadida ee uu diinta cusub ku sheegayey. Laakiin dadkii deegaanka ayaa ku kacay kaddib markii uu soo saaray fatwooyin uu ku diidayo ka qaybgalka dagaalka. Waxaa lagu qasbay in isaga iyo xertiisuba ay ka guuraan magaalada, iyaga oo u wareegay magaalada Chicago.

Magaaladan ayaa uu si xawli ah uga bilaabay faafinta aratidiisan, waxa aanu aasaasay gole cilmiga diintiisa Moorish lagu barto. Isaga oo si gaar ah u beegsaday dadka madowga ah oo xilligaas ku jiray duruufo adag oo gumaysi.

Diintan Nobel Drew Cali waxa uu ku dhisay caqiido iyo fikir ah in Alle uu Isaga u soo diray si uu ugu gargaaro madowga Ameerika, kana furfuro duruufaha qallafsan ee ay ku jiraan. Waxa uu fikirkaasi si aad ah u faafay labatanaadkii Qarnigii Labaatanaad. Goballada uu markii dambe fikirkiisan aad ugu faafiyey waxaa ka mid ahaa New Jersey, Mechigan, New York iyo Philadelphia iyo ugu dambayntii gobalka Illinois gaar ahaan magaalada Chicago oo sannadkii 1925 kii si rasmi ah u degey.

Dadka diintan raacsan

Tirakoobyada ka sameeyey waxa ay muujinayaan in tirade dadka diinta Mooirsh qaatay ay sannadkii 1928 kii maraysay 30 kun o oqof, muddo gaaban gudaheedna tiradaasi laban-laab korodhay. Waxa aanay maanta dalka Maraykanka ku leeyihiin in ka badan 90 rugood oo ay ku cibaadaystaan.

Bilowgii waa ay isku dhaceen xukuumadda Maraykanak iyo diinta cusub ee uu dejiyey Nobel Drew Cali, khilaafkaasi markii uu halkii ugu sarraysay gaadhay xukuumaddu waa ay burburisay qaar ka mid ah goobihii ay ku cibaadaysanayeen, dad badan oo aaminanaa ayaana ku dhintay isku dhacyo ka dhashay weerarradaas.

Sannadkii 1929 kii xukuumadda Maraykanku waxa ay go’aansatay in ay xabsiga u taxaabto Drew Cali. Laakiin markii uu bilaysku qabanayey waxa uu ninkan kula kacay jidh dil iyo garaacis bahalnimo ah oo dhaawacyo badan gaadhsiisay.  Inkasta oo muddo gaaban kaddib la sii daayey Drew Cali, haddana farxad uma ay yeelan dadkii taageersanaa, oo waxa uu xabsiga ka soo baxay isaga oo u buka xanuunka qaaxada iyo nabarrada ay bilaysku gaadhsiiyeen oo xaaladdiisa sii xumeeyey, muddo gaaban kaddibna waa uu u geeriyooday nabarradaas.

La soco…