Siyaasi Ka Mid Ah WADDANI Oo Soo Jeediyey In La Sameeyo Komiishan Ka Qayb-qaata Aqoonsi Raadinta Somaliland

0
626

Hargeysa (Geeska) – Siyaasi Cabdilaahi Axmed Maxamed Ismaaciil (Daamur), oo ka mid ah hoggaanka Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI, ayaa ka hadlay xidhiidhka cusub ee ay yeesheen Somaliland iyo Taiwan, is-beddelka  Siyaasadda Arrimaha Dibedda, tan iyo intii Wasaaradda loo magacaabay Wasiirka Arrimaha dibedda ee hadda, waxaanu ku baaqay in la sameeyo Komishanka qayb qaata ictiraaf raadinta iyo qadiyada madax-banaanida Somaliland.

Siyaasi Cabdilaahi Axmed Maxamed Ismaaciil (Daamur), oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale tilmaamay in aanan marnaba Dawladda Soomaaliya raali ka ahayn horumarka Somaliland, waxaanu ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “In aynu albaab kasta garaacno oo aynu raadino aqoonsigeena iyo ictiraafkeena ayaa loo baahan yahay, dabcan Taiwan inaynu xidhiidh cusub oo iskaashi inaynu yeelanana waan soo dhaweeynayaa, oo inaynu innagu Somaliland ahaan waxa badan ka caawino inaguna inay wax badan inaga caawiso ayaan ku rejo weyn nahay, oo wax badan oo Dunida inagaga xidhan inaynu u sii dhex marno ayaa la inooga baahan yahay, maxaa yeelay labadeenan dalba waxaa inaga maqan ee inagaga maqan Caalamka weynu heli doonaa, xaqiiq ahaana Taiwan, waa dal horumar isgaadhsiiyey, markaas inaynu horumarkaas kaga dayano oo talaabada uu qaaday aynu la qaadno waa mid meesha ku jirta, oo la inooga baafiyo, meel kasta oo danteenu ku jirtana inaynu raadsano ayaa la inooga baahan yahay”.

Mar uu ka hadlayey Wasiirka Arrimaha Dibedda ayaa yidhi “Waxaad mooddaa in Wasiirka Arrimaha Dibadda Faratoon, inuu yahay Wasiir aad u nasiib badan oo tan iyo intii loo magacaabay Wasaaradda Arrimaha Dibedda wax badan baa qabsoomay, sida xidhiidhka cusub ee Somaliland iyo Taiwan, Wasiirkii Difaaca Ingiriiska ee dalkeena yimid, Wasiirkii Arrimaha Dibedda Eriteriya Wasiir Cismaan oo isna dalkeena yimid, isagoo aan waliba aad ugu wada sheekaysanay Ambasadoor, horumarka Somaliland ka jirana qiray, Wada- hadallada Somaliland iyo Soomaaliya ee Jabuuti ka qabsoomay, maamuskii iyo soo dhaweyntii ballaadhayd ee Somaliland loogu sameeyey Gini, iyadoo arintaasna ay Dawladda Soomaaliya ka cadhootay iyo waliba qaabkii wacnaa ee Somaliland loogu soo dhaweeyey Dalka Itoobiya, dhab ahaan waxaad mooddaa inuu Wasiir Faratoon nasiibku saaciday, dabcan isaguna aad buu u dedaalayaa, ee anigu waxaan soo jeedin lahaa in la sameeyo Komishan ballaadhan oo ka qayb qaata qadiyadda iyo aqoonsi raadinta Somaliland, ta kale waxaan anigu soo jeedin lahaa inaynu xoojino xidhiidhka aynu la leeyahay Caalamka iyo waliba Waddamada aynu jaarka nahay sida xidhiidhka aynu la leenahay Kenya”.

Mar uu ka hadlayey Dawladda Soomaaliya ayuu yidhi  “Waxa marag ma doon ah in Dawladda Soomaaliya aanay marnaba raalli ka ahayn jiritaanka Somaliland, aqoonsi aynu ka helno Soomaaliya iskaba daaye, deeqaha aynu ka helno Caalamka inaynu u madax banaano ayaanay raali ka ahayn, oo weynu ogeyn go’aankoodii markii ay labada dal wada hadlayeen, markaas Soomaaliya yeynaan ka sugin aqoonsi ee aynu inagu isku tashano, oo meel kasta oo aynu ka raadsan karno aynu ka raadino”.