Sheekh Aadan-Siiro Oo Dhaliilay Muddo Kordhinta Guurtida Iyo Wakiilada

0
494

Picture4Hargeysa (Geeska) – Sheekh Aaden Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aaden Siiro) oo ka mid ah culimada reer Somaliland, ayaa ka hadlay muddo kordhinta loo sameeyay Golayaasha Wakiilada iyo Guurtida.

Sheekh Aaden Siiro oo khudbadii shalay kaga hadlay arimo badan oo guud ahaantood taabanaya xaalada dalka, ayaa sidoo kale dhaliilay Wasiirrada iyo Madax-dhaqameedka aadka ugu xidhan Madaxtooyada ee xiliyadii ay shacabka u adeeggi lahaayeen mashquulka ku ah aqalka Madaxtooyadda iyo ag-fadhiga Madaxwaynaha.

Sheekh Aaden Siiro, oo arimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi “Imika Madaxtooyadda waad yaabaysaa, Suldaanka, Wadaadka, Waranlaha iyo Wasiirka Cararaya (Subxaannalaahi), waar maad shaqadiina qabsataan, meeshii-baa dawakhday, markaasaa kuwan meesha cidlada ah fadhiyaana wax is moodayaan”

Sheekh Aaden Xaaji Maxamuud Xiirey, waxa kale oo uu ka hadlay Muddo kordhinta Guurtida iyo Wakiilada Somaliland "Guurtidii laba sanadood ayay ugu dareen Golihii Wakiilada, iyaguna (Guurtida) waa inay sanad ka sii dambeeyaan, sow saddex sanadood maaha, qolada meesha sii fadhidaana (Xukuumadda) waa inay sanad ka sii dambeeyaan, ilayn iyaggaa dusha ka ilaalinayee” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Odeygu (Madaxwaynaha) maalintii uu labada Golle la hadlayay waxa uu yidhi yaan hal maalin la iigu darin, waxaan maalintii idhi ILAAHAY-baa waafajiyey, laakiin durba meeshii waxa ka muuqda shan sanadood oo aan doorasho ku jirin”

Sheekh Aaden Siiro, waxa uu fariin u diray xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo “Xukuumadda waxaanu leenahay waraaqaha aad hoosta ka qoraysaan aad leedihiin hebelow Hebel intaa ugu dar intaan maqanahay, hore ayaa loogu jabbee yeynaan ku jabbin, ILAAHAY sida khayrku ku jiro ha ina waafajiyo”