Miisaanka Aan Badnayn Ee Ku Kordha Qofka Da’da Dhexe Ahi waa Calaamad Cimri Dherer Iyo Caafimaad

0
1037

1Copenhagen (Geeska)- Dadka miisaankoodu in yar ka sarreeyo inta caadiga ah balse aanay baruur muuqataa saarnayn ay ka cimri dheer yihiin kuwa miisaankooda caadiga yahay. Sidaas waxaa qabtay cilmibaadhis cusub oo lagu sameeyey dalka Denmark. In kasta oo xanuunno ay ka mid yihiin macaanka qaybtiisa Labaad, dhigikarka iyo Kalastaroolku ay ka mid yihiin loo tiriyo in miisaanka saayidka ahi uu sabab u yahay ama sii xumeeyo xaalkooda, haddana warbixin daraasaddan laga sameeyey oo uu daabacay Joornaalka American Medical Association, waxa ay daahfurtay caddaymo isa soo taraya oo muujinaya in miisaanka in yar ka sarreeya inta caadiga ah, gaar ahaan marka qofku uu gaadho da’da dhexe oo inta badan ka bilaabata 40 jirka aanu khatartii hore loo filayey u lahayn caafimaadka.

Cilmibaadhiso muhiim ah oo isla arrintan hore loogu sameeyey ayaa hore u ogaaday in qofka oo miisaanka caadiga ah in yar ka sarreeya, gaar ahaan marka uu da’da dhexe gaadhaa ay tahay difaac fiican oo cudurro badan uu ugu adkaysan karo.

Cilmibaadhistan oo arrintan sii faahfaahisay ayaa sheegaysa in xikmadda ku jirta halkani aanay ahayn miisaanka laftiisa balse ay tahay in, qofka da’dan ah oo miisaan u kordha macnaheedu yahay in uu jidhkiisu weli caafimaad qabkiisu fiican yahay, oo awoodayo in uu samaysto faytamiinno, nafaqooyin, macdanno iyo curiyeyaal uu u baahan yahay taas maraggeeduna uu yahay miisaanka kordhay, halka haddii miisaanka qofka da’dan ahi hoos u dhaco markaba dareenka caafimaad ahaan ka dhalanayaa uu yahay in miisaankaas qofka oo aan isagu ridin hoos u dhacay sababta ridday tahay xanuun, haddii qofku isku og yahay iyo haddii uu ku qarsoon yahay labadaba. In qofka oo da’da dhexe ahi miisaan yar oo saayid ahi ku kordhaa waa astaan caafimaad wanaag guud tilmaamaysa, laakiin haddii miisaanku aad u sii kordhayo macnaheedu waa caafimaad darro.