Dhowaan Talefanka Gacanta Ayaa Beddeli Doona Baasaboorrada Iyo Waraaqaha Aqoonsiga Shakhsiga

0
603

1London (Geeska)- Shirkad laga leeyahay dalka Ingiriiska ayaa ikhtiraacday hab dunida ku cusub oo baasaboorka loogu beddelayo barnaamij ka mid ah talefanka gacanta ee casriga ah, dadka socotada ahna u fududayn doona in aanay qaadan baasaboorka iyo waraaqaha aqoonsiga ee hadda la isticmaalo.

Warbixinno lagu daabacay wargeysyo ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa sheegaya in shirkadda De La Rue ee xarunteedu tahay dalka Ingiriiska, oo ddaabacda baasaboorrada dawladdu isticmaashaa in ay hadda ka fikirayso sidii ay u soo saari lahayd baasaboor elegtarooni ah oo lagu qaadanayo talefanka gacanta, si uu beddel uga noqdo baasaboorka waraaqaha ah ee hadda la adeegsado, waxa aanay shirkaddu arrintaas iskaashi kala yeelanaysaa haayadaha ay baasaboorradu khuseeyaan ee dalka Ingiriiska. Haddii mashruucani fulana dalka Ingiriisku waxa uu noqonayaa dawladda dunida ugu horeysa ee baasaboorradeeda buugaagta ah ka dhigta barnaamij lagu qaato talefannada gacanta.

Qolyaha mashruucan wadaa waxa ay ku doodayaan in baasaboorka buugga ah ee hadda la isticmaalaa uu in badan dhibaato iyo dib u dhacyo ku keeno dad badan oo socoto ah, kadib marka ay is ogaadaan iyaga oo gegida diyaaradaha jooga oo aan sidan baasaboorkii ay ku socdaalayeenba, qaarkoodna uu illowshiyahaas baasaboorku sabab u noqdo in ay safarka ka baaqdaan.

Agaasimaha fulinta ee shirkadda De La Rau oo lagu magacaabo Martin Sutherland ayaa sheegay in shirkaddiisu ay bilowday dhamaystirka tiknoolajiyad gaar ah oo cusub, taas oo suurtogelinaysa in ay talefanka gacanta ku kaydiso macluumaadka baasaboorka oo weliba si aamin ah oo tayo badan ay u xafiddo, si ay beddel uga noqoto baasaboorrada buugaagta ah ee weligeed la soo isticmaalayey.