Filim Laga Jilay Barak Obama Oo Shaqo Raadinaya Marka Uu Xilkiisa Sii Dhammaanaya Ka Dego Kamaal A. Cali

0
1043

1Washington (Geeska)- Guriga Cad ee Maraykanka ayaa dhowaan faafiyey filim yar oo qaab maadays iyo kaftan ah u soo bandhigaya qorshayaasha ay tahay in madaxweyne Obama uu kala doorto marka uu xilka madaxweynuhu ka dhammaado kadib. Filimkan jiliddiisa waxaa ka qayb qaadanaya Madaxweyne Obama, xaaskiisa Michel, madaxweyne ku xigeenka Marayhkanka Joe Biden iyo guddoomiyihii hore ee golaha wakiillada Maraykanka John Boehner oo isna xisbiga dimuqraaddiga ka soo jeeda.

Filimku sida aynu sheegnay waa qaab maadays ah oo weliba u dhigan xaqiraad la yasayo Madaxweynaha, waxa aanu muujinayaa Obama oo dadaal aad ah ugu jira in uu shaqo helo, kadib marka uu guriga cad ka tago Maalinta Labaad ee bisha Koowaad (Jeenaweri) sannadkan 2017ka.

Obama marka koowaadba waxa uu ka codsanayaa ku xigeenkiisa Joe Biden in uu bal hadda ka caawiyo sidii uu shaqo u hel lahaa, gaar ahaan dhinaca ciyaaraha (Isboortiska) shaqo la xidhiidha. Laakiin sida filimka ka muuqata Obama caawintaas iyo caawimo cid kale midna shaqo kuma helayo, waxa aanu aakhirka ku qasbanaanayaa in uu lugihiisa ku socdo oo uu magaalada Washington shaqo ka raadsado, mararka qaarkood talefanno ayaa uu u dirayaa meelo uu ka filayo shaqo, sida naadiyada ciyaaraha.

Dhacdooyinka xiisaha leh waxaa ka mid ah in Obama uu u tegeyo gabadh fadhida xafiiska shaqaalaysiinta, gabadhaas oo marka hore ee uu u sheego in uu shaqo doon yahay ka codsanaysa in uu tuso waraaqihiis aqoonsiga, marka uu waraaqihiisa tuso ee ay akhrido magaca ku qoran oo ah Barak Xuseen Obama waxa ay markaba rumaysan waayeysaa in waraaqahani ay xaqiiqo yihiin, si cad ayaanay ugu eedaynaysaa in waraaqaha uu sitaa ay been abuur yihiin iyada oo u qaadan la’ in cidda shaqo doonka ahi ay tahay cid sidata ninkii madaxweynaha dalka ahaa.

Obama oo talo ku caddaatay oo gabadhani ay u sheegtay in waraaqihiisa aqoonsigu ay been abuur yihiin ayaa waxaa talefanka kala soo hadlaysa xaaskiisa Michel oo aad u cadhaysan, sababta cadhadeeduna waa ereyo yasid iyo ku dheel-dheel ah oo uu uga soo diray adeegga Snap chat ee talefankeeda gacanta. Qaybtan ay xaaska Obama soo gelayso iyada oo ka cadhaysan hadallada uu u soo diray Obama ayaa dadka faaqida filimada ee daawaday ay ku tilmaameen in ay tahay ishaaro dadban oo muujinaysa wehel la’aan sugaysa Obama marka uu guriga cad ka tago iyo xaaskiisa oo marar badan noloshu meelo kala duwan geyn doonto.

Ugu dambaynta Obama oo shaqo raadiskii ku soo daalay waxa uu helayaa saaxiibkii. Waa guddoomiyihii hore ee golaha wakiillada Maraykanka John Boehner oo ah ruuxa ku jilaya filimkan in uu yahay saaxiibkii. John Boehner qudhiisu waayo-aragnimo tan Obama la mid ah ayaa uu u yeeshay shaqo raadinta oo muddo ayaa uu ku so odaalay, labadan nin oo niyadjabka shaqo waagu aanu ka madhnayn ayaa inta ay kursi kuwa dadweynaha loo dhigo meelaha danta guud ee lagu nasto ku wada fadhiistaan bal waxa ay faallaynayaan oo ay baadhayaan arrintan ku habsatay ee ay meel kasta shaqo ka soo waayeen. Kulankoodu waxa uu ku bilaabanayaa ilbidhiqsiyo warwar iyo kaftan la’aan ah oo mid kasta laga dheehanayo dareenka ah in uu jiro arrin naftiisa cusleeyey, waa shaqo la’aanta ee. Kadib Boehner ayaa isagu is bidaya malaha in uu arrintan shaqo la’aanta uga waayo-aragsan yahay Obama waxa aanu ku odhanayaa, “Mudane Madaxweyne talada aan ku siinayaa, waa in marka aad guriga cad ka tagto, aad dib ugu noqoto noloshaadii dabiiciga ahayd ee kursiga madaxweynaha ka hor”

Filimkan oo maalmihii u dambeeyey si aad ah loogu baahinayey shabakadaha iyo bar-kulannada bulshada ee internet ka, ayaa si aad ah dunida oo dhan looga daawaday, faallooyin xiise badan oo aad u kala duwanna laga bixiyey. Dadka dhinaca fiican ka eegayna waxa ay sheegeen in filimkani uu muujinayo in Barak Obama uu leeyahay karti iyo shakhsiyad  jilaanimo dareenka dadka soo jeedin karta, iyo in uu yahay nin waajahi kara masiirkiisa dhabta ah ee nolosha kursiga madaxweyne ka dambaysa. Waxa aana dad badan si gaar ah u soo jiitay muuqaalka u dambeeya filimka oo laga arkayo Obama oo u socda sida ruux ay ka go’antahay in uu waajaho masiirka ay uga horreeyeen madaxweynayaal badan oo Maraykan ah.

Waa run in xaalka madaxweynayaasha Maraykan marka ay xilka ka tagaan aanu sidan filimka ka muuqata ee shaqo la’aanta ah ahayn, waxaana dhacda in rag badan oo ka mid ahi ay xilka kadib shaqaystaan lacago aad u badan, oo meelaha ay ka helaan ay ka mid tahay iibka buugaagtooda xusuus qorka, ka qaybgalka siminaarrada, kulan-aqoonneedada, shirarka iyo waraysiyada talefishannada oo dhammaantood lagu siiyo lacag aad u badan. Marka arrintan la eego isla markaana dib loo milicsado taariikhda Barak Obama oo ah qoraa illaa hadda Malaayiin lacag ah sannad kasta ka faa’ida buugaagtiisii hore, lana filayo kuw ka sii xiise badan oo xusuus qorkiisu ugu horreeyo in uu soo wado, isla markaana uu weli yahay nin da’ ahaan weli gaboobin oo maadaama oo uu xilka kaga tegeya 54 jir, isla markaana jidh ahaan iyo caafimaad ahaanba dhisan yahay, uu awoodi doono in uu hawlo badan qabsado xilka kadib, sidaa awgeed run ma’aha in uu Obama ka warwarsan yahay jeeb madhnaan iyo dhaqaale xumo shaqo raadsi ku kallifta, waxase run ah in madaxweynaha dunida ugu awoodda badnaa, saaxiibbo badan, ilaalo xad dhaaf ahayd, karaamayn iyo baratokoollo siddeed sano qayrkii dhaafiyey iyo waxyaabo badan oo kursigu wataa ay kallifi karaan in isbeddelku ugu yaraan bilowga hore la qabsigiisu ku adkaado.