Madasha Wada Tashiga Oo Beenisay Inay Ku Biirayaan Xisbiga Mucaaradka Ah Ee UCID

0
521

Picture7Hargeysa (Geeska)-Xoghayaha Madasha Wada-tashiga Somaliland Axmed Ibraahim Xaaji Xasan, ayaa beeniyey meeshana ka saaray warar Maalmihii ugu dambeeyey ku soo baxayey qaar ka mid ah Warbaahinta, oo sheegaya inay ku biirayaan Xisibga Mucaaradka ah ee UCID, waxaanu sheegay in warkaasi uu yahay been, oo aanay ku biiraynin Xisbiga UCID iyo Xisbiyada kaleba.

Xoghayaha Madasha Wada-tashiga Somaliland Axmed Ibraahim Xaaji Xasan, ayaa isaga oo u waramayay Wargeyska Geeska Afrika sidoo kale sheegay inay Muxaafid iyo Mucaaridba dhex u yihiin, oo hadba dhaliilaha iyo khalaadadka jira ay sheegayaan, oo ay danta Qaranka iyo danta Shacabka ay ka hadlayaan, waxaanu ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay “Waxa Maalmahan qaar ka mid ah Warbaahintu ay baahiyeen, oo ay sheegeen in Madasha Wada-tashigu ay ku biirayaan Xisbiga UCID, warkaasi waa been wax alaale waxa ka jiraana ma jirto, Xisbiga UCID, waa Xisbi Qaran, laakiin Xisbiyada Qaranku waa iskugu kaaya mid, waana u dhexeeynaa, weyna noo siman yihiiin, oo Xisbi aanu ku biiraynaa ma jiro.”

 Xoghayaha Madasha Wada-tashiga Somaliland Axmed Ibraahim Xaaji Xasan,oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Anagu waxa aanu nahay Madal dadka iyo dadka dan ka leh, oo lexe jeclo ka qabta, waxa aanu nahay Madal wixii dhaliilo ah sheegaysa, waxa aanu nahay Madal wixii khaldan ee ay ku kacaan Muxaafid iyo Mucaaridba sheegaysa, oo aan qarinayn si loo saxo, maxa yeelay waxa aanu goob joog u ahayn dhibaatooyinkii, rafaadkii, xasuuqii iyo hagar-daamadii dalkan la baday, ee sababay halgankii SNM, cid dalkan looga lexe jeclo badanina ma jirto,in dhibi ka dhacdana diyaar uma nihina waana ka soo horjeednaa”.