Michael Jackson: Nacayb Uu U Qabo In Uu Aabihii U Ekaado Ayaa Ku Kallifay 100 Qalniin Oo Is Qurxin Ah

0
708

Picture9Washington (Geeska)- Geeddiga is-qurxinta ee Michael Jackson waxa uu ku bilowday in uu beddelo qaabka sankiisu uu yahay oo keliya, waxa aanay ku sii hoggaamisay in uu sameeyo 100 qalniin oo dambe oo doonayey in uu muuqiisa ku qurxiyo, laakiin aakhirkii waxa uu bilaabay dadaal iyo qalniinno kale oo uu doonayey bal in uu dib ugu soo celiyo asalkiisii ay beddeleen qalniinadaas is-qurxinta ah oo 30 sano uu waday.

Qormadan yaabka leh oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa carriga Ingiriiska ayaa lagu sheegay in sababta runta ah ee ku kalliftay in uu Michael Jackson qalniinnadan sameeyo aan la garan karin, maadaama oo aanu isagu ka hadlin, waxaa jira dad ku dooda in Jackson uu doonayey in uu isu ekeysiiyo Diana Ross oo ah heesaa caan ah oo u dhalatay Maraykanka aadna uu fankeeda uga heli jiray, waxase jire male kaa ka xooggan oo ay qabaan dadka ka agdhowaa Michael Jackson, gaar ahaan qaar saaxiibbadiisa ka agdhowaa oo sheegay in sababta koowaad ee ku kalliftay ay ahayd heesaaga oo jeclaa in uu iska tirtiro calaamad kasta oo uu uga ekaan karo aabihii, oo uu aad u necbaa.

Dr. Ida Georbs oo ah dhakhtar ku xeel dheer xanuunka nafsiga ah ee afka ingiriisiga loo soo gaabiyo BDD oo ah cudur qofka ku ridaya cuqdad ah in uu fool xun yahay oo muuqiisa awgii aanu dadka ku dhex jiri karin, ayaa sheegay in heesaaga uu cudurkaasi hayey, taasina ay tahay sababta keentay in uu galo in ka badan 100 qalniin oo is-qurxin ah. warbixin talefishan oo iyaduna ka warramaysay sida qalniinka is-qurxinta ahi uu balwad ugu noqday Michael Jackson ayaa lagu sheegay in uu bilowgii si waalli ah u doonayey qalniin sanka loogu qurxiyo, jacaylka uu u qabo in sanka la qurxiyaana uu xitaa ku kallifay walaashiisa ka weyn ee Latoya Jackson in ay isaga hortii qalniin qurxin ah sanka ku samayso.

Qalniinkii ugu horreeyey ee qurxinta sanka ahaana waxa uu sameeyey sannadkii 1979kii, toddoba sano kadibna saaxiibkii Steve Erhardt oo timo-jare ahaa ayaa uu ku qanciyey in uu sameeyo qalniin lafta gadha loogu qurxinayo, kaas oo markii uu guulaystay kadib uu Michael Jackson isna sameeyey dhowr jeer. Intaas oo keliya ma’aha ee Michael Jackson waxa uu qaatay irbadda Botox oo ah irbad ka kooban Bakteeriya iyo Sun, ujeedooyinka badan ee loo isticmaalana ay ka mid tahay ta uu heesaagu doonayey oo ah in ay disho muruqyada wejiga ee gabowga iyo coodh-coodhku ka yimaaddaan marka uu qofku da’ weynaado. Jackson waxa uu isticmaalay dawooyin kale oo uu jidhkiisa oo dhan ku caddeeyey, waxa uu qaatay dawooyin waxa aanu sameeyey qalniino uu dhabannada iyo debnaha u weyneeya (Barar aan xanuun ahayn geliya), si uu u yeesho bishimo waaweyn iyo camam kuus-kuusan, sankanaha dhowr jeer ayaa uu hadba qaab cusub u dhigay illaa aakhirkii ay awdmeen godadkii hawadu maraysay.

Arrinta yaabka leh ee warbixintan lagu soo daray waa in kombiyuutarkii gaarka ahaa ee heesaaga laga helay sawir malo-awaal ah oo loo ekeysiiyey sida uu Jackson u ekaan lahaa haddii aanu qalniinnadan samayn lahayn, waxaana muuqda nin maarriin ah, aad u qurxoon oo dhoolla caddayn diirran.