Duruusta FBI: Farsamooyinka Ugu Habboon Ee Aad Qofka Kale Ku Ogolaysiin Karto Waxa Aad Adigu Rabto

0
708

Hannaanka ugu fiican ee kooxaha la xaajooda afduubayaashu ay ku abeddelaan maskaxda qofka kale (Q:3aad)

Hargeysa (Geeska)- Dhegeysi firfircoon: Maadaama oo aynu soo sheegnay in dhegeysigu uu yahay tallaabada koowaad ee furaha u ah isfaham kasta, qofka doonaya in uu qof kale qanciyaana haddii aanu dhegeysi firfircoon ka bilaabin ay u dhowdahay in uu dadaalkiisa ku fashilmo, isla markaana uu yahay qodob aynu soo xusnay in uu dadka badankooda ku adag yahay, waxaa qasab ah in innaga oo raacayna jihaynta khubarada FBI du arrintan ka bixisay, aynu tilmaamno sida ugu habboon ee dhegeysiga firfircooni ku iman karo, waxa aana aynu ku soo koobaynaa tallaabooyinkan:

1. Dhegeyso waxa uu ku doodayo qofka afduubaha ah, dembiilaha ah ama aad si kale ula doodayso. Iska jir in aad hadalka ka soo dhex gasho, in aad markaba muran ka hor keento, dareensiisana khilaafkaaga iyo in aad kala aragti fogtihiin, ama in aad isla markaba hadalkiisa qiimayso kadibna doonto in aad u muujiso sida aanu macne badan u samaynayn ama qaladka ku jira dooddiisa.

2.  Qof kasta oo hadlaya waxaa ku jirta ruux jecel in la dhegeysto, isla markaana qofka uu la hadlayo uu ka dareemo in uu u soo jeedo, sidaa awgeed qofka aad wada xaajoodka kula jirto, waa in aad warkiisa madaxa u lusho, xitaa haddii aad diiddan tahay, mararka qaarkoodna aan tidhaahdaba ereyo kooban oo muujinaya in aad la socoto, ama dareenkiisa oo kale qabto. Sida “Haye, gartay, Hii, U’uuuh” iwm.

3. Marka uu warka kuu dhammeeyo, mar kale adigu ka soo daba mar nuxurka hadalka uu ku yidhi iyo wixii uu cabasho kuu sheegtay, si aad ugu sii xaqiijiso in aad fahamtay waxa uu hadalkiisa daarranaa oo dhan. Haddii uu dareemayo in meelo yar aad qaladdanay uu isagu mar kale kuu saxo.

4. Su’aalo weydii: Tallaabada afaraad uguna dambaysa qaybta dhegeysiga firfircooni waa in aad qofka weydiiso, su’aalo muujinaya in aad si dhugmo leh warkiisa u dhegeysanaysay, su’aalahani waxa ay muhiim u yihiin in qofku ku qanco in aad fahamtay waxa ku kallifay falkan uu ku kacay, sidaa awgeed aad labadiinuba diyaar u tihiin in aad uga sii gudubtaan waxa xiga, si dooddu hore ugu sii socoto.

Intaas waxa aynu uga gudbaynaa lixda xeeladood ee ay saraakiisha la xaajoodka afduubayaasha ee FBI isticmaalaan marka ay doonayaan in doodda ay u gudbiyaan wejigeeda labaad oo ahaa, “Tusidda in shucuurta uu qabo aad la dareemayso”

1. Weydii su’aalo daba furan?

Uma baahnid in qofka aad weydiiso su’aalo uu si kooban ugu jawaabi karo HAA / MAYA, waxa aad u baahan tahay su’aalo u baahan jawaabo dheer oo sharraxaad iyo sababaynba leh.

Buugga ay Micheal J. McMains iyo Wayman C. Mullins ee Crisis Negotiations oo soo baxay April, 2010 kii ayaa sii faahfaahinaya waxa ay yihiin su’aalaha dabada furan ee qofka wada xaajoodka ku jiraa ay tahay in uu weydiiyo qofka uu qancinayo. La socoo…