Messi Oo La Kulmay Wiilkii Reer Afganistan Ee Jacayl Uu U Qabo Darteed Garanka Ka Messi Ka Dhigtay Bacda

0
594

1Qadar (Geeska Afrika)- Xiddiga kubadda cagta ee Argentina iyo kooxda Barcelona Lionel Messi ayaa fiidnimadii maalitii salaasada ee toddobaadkii hore waxa uu la kulmay wiilkii reer Afgaanistaan ee ku caan baxay bacdii uu u ekeysiiyey garanka Messi ee uu xidhay.

Murtasi Axmedi  waxa ay magaciisa iyo muuqiisuba dunida oo dhan caan ka noqdeen sannadkii hore markii barkulannada bulshada iyo warbaahinta kale ee dunida lagu faafiyey sawirkiisa isaga oo xidhan bac nooca waaweyn ah oo u eeg garanka uu xulka qaranka ee dalka Argentina ku ciyaaro oo inta uu ku qortay magaca xiddiga xulka qaranka uu ku ciyaarayo.

Messi iyo wiilka yar ee reer Afgaanistan oo lix sano jir ahi waxa ay magaalada Dooxa ee caasimadda dalka Qadar ku kulmeen intii aanay bilaabmin ciyaartii saaxiibtinimo ee Barcelona iyo naadiga Sucuudiga ka dhisan ee Al-Ahli oo ciyaar Barcelonaay 5 – 3 ku badisay iskaga hor yimid magaalada Dooxa.

Wiilkan yar ayaa garoonka ciyaartani ka dhacaysay soo galay iyada oo uu gacanta hayo Messi, waxa aanu sawir xusuuseed la galay kooxda Barcelona ee garoonka ku jirtay. Waxa se’ yaab noqotay markii wiilkan yari uu diiday in uu garoonkaba ka dhex baxo si ay ciyaartu u bilaabato.

Xiddiga kubadda Cagta ee xulka Qaranka Argentina iyo kooxda Barcelona ayaa sannadkii hore go’aan ku gaadhay in uu la kulmo Murtasi Axmedi kadib markii bar-kulannada bulshada ee internet ka si weyn la isugu dhaafsaday dawirka inankan yar.