0
599

22Marxuum Cigaal, ayaa waxa u yimid niman dhallinyaro ah oo safiiro ah oo u dhashay dalka Switzerland, dabadeedna waxay soo xidheen surwaalo jiinis ah oo jilbuhu cadaadeen. Markay u soo galeen ayuu ku yidhi, yaad filaysaan inaad la kulantaan iyo dee adoo ah Cigaal. Adeer haddaba aniga umad ayaa I dooratay oo noociinan oo kale oo sidan u labisan ma qaabilee, dawladiinu ha idin soo barto labisyada rasmiga ah ee shaqooyinka iyo kulamada dawladaha loo xidho. Dee sidii ayuu ku dareeriyay oo ay dabadeed dib u soo noqdeen iyadoo uu safiirkoodii raali gelin u waddo Somaliland. Imika bal aan eegno sida uu Maanta Xaaji Axmed u qaabilo safiirkan Turkiga ee Xamar inaga soo dhex maagayay.