Raysalwasaare Munaasabad Kasta Oo Uu Joogo Sawir Gacantiisa Iskaga Qaada Isaga Oo Garab Mara Baratkoolka

0
595

1Delhi (Geeska)- Tan iyo markii dunida ay ku soo korodhay in qofku uu talefankiisa gacanta isku sawiro, waxa uu dalka Hindiya si joogto ah u ahaa dalka dadka ugu badan dunidu ay sannad kasta shilal iyo khataro la kulmaan iyaga oo iska qaadaya sawirka  qaabkan ah ee loo yaqaanno Selfie. Sida uu Geeska Afrika ka soo xiganayo tiro-koobkii ugu dambeeyey ee ay jaamacadda Carnegie Mellon ee dalka Maraykanku bishii hore ka soo saartay dadka dunida ugu dhinta shilalka ay sababaan sawirradani ayaa muujinaysa in kala badh dadka sannadkii hore shilal noocan ah u dhintay ay u dhasheen dalka Hindiya.

In kasta oo xarumaha cilmibaadhistu ay bilaabeen daraasaynta sababaha keenay in dalka Hindiya ay ku soo bataan dadka u dhimanaya ama u dhaawacmaya shilalka xaaladdani sababto, ayaa jawaabaha soo baxay waxaa ka mid ahaa in dadka dalka Hindiya ay aad ugu daydaan raysalwasaarahooda Narendra Modi oo isagu si yaab leh ugu caan baxay in uu talefankiisa gacanta isku sawiro xitaa mararka qaarkood in uu dhaafo anshaxa iyo nidaamka ay u dejiyaan gacanyarayaashiisu oo isaga oo munaabad jooga uu si  caadiya ula soo baxo talefankiisa gacanta kadibna sawir iskaga qaado, ama isaga iyo martidiisaba ama cidda uu martida u yahay ku sawiro.

Sawirro kala duwan oo ay ururisay shabakadda wararka ee Al-Carabiya oo uu Geeska Afrika warkan ka soo xigtay ayaa waxaa ka muuqda in marka uu ugu dhoolla caddayn iyo weji furnaan badan yahay raysalwasaare Narendra Modi ay tahay marka uu iska qaadayo sawirrada Selfie ah.

Sannadkii 2015ka ayaa raysalwasaare Modi oo ka hadlayey barnaamij Idaacadeed oo uu marti u ahaa, isaga oo ka qayb-qaadanaya  dhiirrigelinta ol’ole ka dhan ahaa tacaddiga iyo takoorka dumarka Hindiya la kulmaan, waxa uu aabayaasha dalkiisa ugu baaqay in mid kastaa sawir Selfie ah uu la galo hablihiisa, arrintan oo doodihii xiisaha lahaa ee ka dhashay gaadheen heer muwaadin u dhashay dalka Hindiya uu sheego, “Narendra Modi  waxa ugu horreeya ee uu sameeyo marka uu toosaa waa in uu sawir iskaga qaado barkimada dusheeda”

Narendra Modi oo ka mid ahaan jiray dabaqadda faqiirka ah ee dalka Hindiya, yaraantiisiina aabihii oo shaaha ku karin jiray maqaaxi yar oo uu ku lahaa mid ka mid ah istaannada basaska ayaa uu ka caawin jiray iibka shaaha, ayaa tan iyo markii uu xilka qabtay waxa uu dadaal dheer u galay in uu siyaabo kala duwan dadkiisa saamayn ugu yeesho, isla markaana uu intii awooddiisa ah saamayn ku yeesho hab-nololeedkooda.

Raysalwasare Narendra Modi  arrimaha uu aadka ugala hadlo dadkiisana waxaa ka mid ah in qof kastaa ku dadaalo in uu noqdo qof xarragoonaya oo nadaafadda dharkiisa iyo muuqaalkiisa duleedba si gaar ah u ilaaliya, isaga oo ku faana in uu ku dadaalo in uu yeesho dhar leh dhammaan midabbada kala duwan ee quruxda badan. dhinaca kale waxa uu raysalwasaare Narendra Modi  caan ku yahay in cuntada uu cunayaa noqoto mid aan si gaar ah uga soocnayn ta ay dadkiisu cunaan, gaar ahaan cuntooyinka dhaqanka ah, mid ka mid ah sababaha ay dadkiisu u jeclaadeen, gaar ahaan dadka dabaqadda hoose ayaa ah nolosha tooda u eeg ee ay ka arkeen in uu ku noolyahay isaga oo awoodaya in uu tan ugu sarraysa dalkiisa samaysto.