Maxkamadda Sare Oo Axadda Ku Dhawaaqaysa Natiijada Dacwadii Xisbiga UCID Iyo Labada Garab Oo Caddeeyay Go’aanka Ay Ka Qaadan Doonaan

1
4152

 

ucidHargeysa(Geeska)-Maxkamadda Sare ee Somaliland ayaa la filayaa inay Axadda ku dhawaaqdo go’aanka ay ka gaadhay dacwada u dhaxaysa labada garab ee uu xisbiga UCID u kala qaybsamay.

Ilo xogogaala ayaa Geeska Afrikau sheegay in maxkamadda sare Axada soo saari doonto natiijada ka soo baxday doodii labada dhinac ee ay dhagaysatay toddobaadkii la soo dhaafay, kuwaas oo qareeno uu midba gaarkiisa u qabsaday ay difaacayeen. Qareenadaas labada garab ka kala socday ayaa wuxuu mid waliba maxkamadda sare horteeda ka difaacay sharciyada uu ka taaganyahay dhinaca uu ka socdaa isagoo dhinaca kalena dedefeeyay.

Dhagaysiga dacwadan ayaa timid ka dib markii ay garabka Aadan Mire Waqaf hoggaamiyaa sheegeen inay xilkii ka qaadeen Eng. Faysal Cali Waraabe, oo isna shir uu qabtay ku sheegay inuu eryay inta badan ee xubnaha guddiga fulinta ee xisbiga UCID ee sheegay inay xilka ka qaadeen. Labadaas go’aan ee iska soo horjeeda ayaa abuuray khilaaf adag oo xisbiga ka dhex qarxay, waxaanu garabka Waqaf u gudbiyay maxkamadda sare dacwad ka dhan ah Faysal Cali Waraabe. Sidaas daraadeed maxkamadda sare ayaa la filayaa haddii alle yidhaahdo inay Axadda ku dhawaaqdo go’aanka ay ka qaadatay dooddaas sharci ee u dhaxaysa labada dhinac.

Aragtida Labada Garab

Aadan Mire Waqaf oo hoggaamiyaha garabka ka soo horjeeda Faysal Cali Waraabe, oo uu Wargeyska Geeska Afrika xalay weydiiyay in garabkoodu ku qanci doono natiijada ay maxkamadda sare soo saarto ayaa wuxuu yidhi, “Haa waanu ku qancaynaa go’aanka maxkamadda sare soo saarto waana rasmi.” Ayuu yidhi Waqaf.

Maxamed Ibrahim Qabo oo isna ka mid ah masuuliyiinta garabka Faysal Cali Waraabe, ayaa isna Wargeyska Geeska Afrikau xaqiijiyay inay ku qaci doonaan go’aanka ay maxkamadda sare gaadho, “Waanu ku qacaynaa go’aanka maxkamadda sare, waanan ku kalsoonahay guddoomiyaha maxkamadda sare iyo garsoorayasha kale ee hawsha gacanta ku haya. Markaas waxaan kuu xaqiijinayaa inaanu aqbalayno natiijada ay maxkamadda sare gaadho.” Ayuu yidhi Maxamed Ibrahim

Si kastaba ha ahaate maxkamadda sare ayaa la filayaa inay go’aan ka gaadho dacwadaas, taasina waxay soo afjari doontaa go’aankii ay ku xayirtay xafiisyada UCID ee gobalada iyo caasimadda dalka oo markii khilaafku xoogaystay ay xayiraad ku soo rogtay inta ay go’aan ka gaadhayso iyadoo go’aankeeda ku salaysay si aanay nabadgelyo darro u dhicin.

Comments are closed.