Heshiiska Saddex Geesoodka Ah Iyo Ajendaha Qarsoon Ee Ku Xeeran

17
237

 

dheereWaxa beryanba buuq fara badan ka taagnaa heshiiska saddex geesoodka ah ee la sheegay inuu dhexmaray waddanka Shiinaha, Itoobiya iyo Somaliland. Bal marka hore aan halkan ku soo gaabinno ilo-wareed laga soo xigtay shabakadda arrimaha dibadda ee Itoobiya:

BBC-da qaybteeda ururisa wararka afafka qalaad ku baxa ee loo yaqaan BBC MonitoringService ayaa bishii August 15dii, 2011 waxay soo bandhigtay qoraal ay ka soo xigatay shabakadda rasmiga ah ee wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya in “Somaliland, Itoobiya iyo Shiinaha la filayo inay heshiis saddex geesood ah oo la xidhiidha gaasta, saliidda iyo logistics-ka wada saxiixaan doonaan maalmaha soo socda”

Bishii July, sharikad saldhigeedu yahay Hong Kong ee la yidhaahdo PetroTrans Company Ltd ayaa heshiis la saxiixatay dowladda Ethiopia inay saliid iyo gaas ka iibsadaan muddo 25 sannadood ah. Sharikaddaasi waxay maalgashanaysaa lacag qadaarkeedu yahay afar bilyan oo doolar si ay saliidda iyo gaasta uga soo saarto keydadka ku jira bologyada [blocks] kala ah 3 iyo 4, 11 iyo 12, 15 iyo 16, 17 iyo 20 oo dhammaantaad ku yaalla aagga “Ogaadeenya” waa siday hadalka ay u dhigeen eh.

Guddoomiyaha sharikadda PetroTrans, John Chine, wuxuu Addis Ababa ugu warramay weriyayaasha inay wadaan qorshe lagu dhisayo beebab gaasta iyo saliiddu maraan oo laga soo qaado Ogaadeenya illaa iyo dekedda Berbera. Wuxuu kale oo uu shaaca ka qaaday guddoomiyuhu inay Berbera ka dhisi doonaan warshad safaysa baatroolka muddada saddexda sannadood ee soo socda.

Shabakadda internet-ka ee wasaaradda arrimaha dibadda ee Ethiopia waxay kale oo ay sheegtay in dowladda Somaliland-na ay sidoo kale shaaca ka qaaday inuu jiro hadalka ka soo yeedhay Mr. Chine kaas oo ah in Shiinuhu saliidda iyo gaasta ay soo saaraan ka dhoofin doonaan Berbera.

Shabakadda wasaaradda arrimaha dibadda ee Ethiopia waxay intaas ku dartay “in dowladda Hargeysa ay dekedda ka kirayn doonto sharikad saldhigeedu yahay Hong Kong oo la yidhaado Hutchison Port Holdings (HPH). Sharikadda Hawlaha Maraakiibta ee Itoobiyana waxa la filayaa inay ka mid noqon doontoo saamilayda ugu weyn (main shareholders) ee wax ku yeesha dekedda. Sharikadda Hawlaha Maraakiibta ee Itoobiya waxay durba ka dalbatay waddanka shiinaha 9 markab oo qiimahoodu ku kacayo 293 milyan oo doolar. Maraakiibta waxa lagu isticmaali doonaa dekedda Berbera.”

Shabakaddu waxay intaas ku dartay in Somaliland, Itoobiya iyo Shiinuhu heshiishkaas ku wada saxiixi doonaan munaasabad si weyn loo soo agaasimay oo ka dhici doonta caasimadda Shiinaha.

Shabakadu waxay intaas ku dartay inaanay caddeyn in ra’iisul wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi uu dhinaca Itoobiya u saxiixi doono heshiiska iyo inkale oo markaas ku sugnaa shiinaha.

Warkan xagga sare aan ku soo koobay waxa lagu soo daabacay shabakadda internet-ka ee wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya, Addis Ababa, wuxuuna ku soo baxay af-ka Ingiriisiga 15kii August 2011 sida ay soo warisay BBC monitoring Service.

Heshiiska iyo Aqoonsi La’aanta Somaliland

Haddaba sida halkan ku cad, heshiiskani waa mid saddex geesood ah oo u dhaxeeya Itoobiya, Shiinaha iyo Somaliland. Waxaynu ogsoonahay in Shiinaha iyo Itoobiya ay yihiin waddamo madax bannaan (Soverign States) oo u siman sharciga caalamka u yaal isla mar ahaantaana geli kara heshiisyo caalami ah, kana mid ah Qaramada Midoobay. Hase ahaatee Somaliland ma aha waddan madax bannaan oo caalamka laga aqoonsanyahay jiritaankiisa ee weli waxa loola dhaqmaa gobol ka mid ah Soomaaliya.

Haddaba su’aasha halkan ka bannaani waxa weeye: Somaliland heshiiskan ma waxay ku galaysaa iyadoo ah gobol ka mid ah Soomaaliya? Haddiise aanay Somaliland heshiiska sidaas ku galayn sidee ayey u suura galaysaa in innaga oo aan la ina aqoonsan ay Itoobiya iyo waddanka Shiinuhu ay Somaliland la galaan heshiis caalami ah iyagoo ka warqaba in waddan aan la aqoonsanin aanu geli karin heshiis caalami ah? Sharci ina qabanayaa ma jiro, markaa siday inagu aamini karaan?

Waxaynu ognahay in lacagta mashruucan ku baxaysaa ay tahay 4 bilyan oo doolar oo aanay ahayn lacag yar. Hawshaas xoogeedu waxay ka fulaysaa xagga Somaliland waayo beebabka waaweyn ee baatroolka iyo gaasta ka soo qaadayey Ogaadeeniya iyo warshaddii Safaynaysa baatroolku wuxuu saldhigiisu noqonayaa Somaliland. Halkii laga dhoofinayey ee ay maraakiibtu ka qaadaysayna waa Berbera. Markaa la’aanteen waxba kama fuli karaan mashruuca. Haddaba dowladuhu markay mucaahado ama heshiis wada galaan, heshiiskaas wuxuu noqdaa mid dhinac kasta qabta sharciyan (legally binding) oo dhinacii ka baxana ama jebiya heshiiska ciqaab lagu soo rogo. Itoobiya iyo Shiinaha sharciga caalamka ayaa kala saari kara oo haddii khilaaf la xidhiidha heshiisku uu soo kala dhex galo waxay isla tegi karaan Maxkamadda Caddaaladda ee Caalamiga ah  (International Court of Justice) waayo labaduba waxay ka tirsan yihiin Qaramada Midoobay.

Tusaale ahaan, haddii Somaliland lagu gefo, oo matalan beebabka waawayn ee ina soo dhexmaraya ee qaada salliiddu ay dilaacaan oo ay khasaare u geystaan deegaanka oo laga safayn waayo iyadoo Itoobiya iyo Shiinuhuba ay kharashka saffaynta ka cararayaan sida ka dhacday gobolka Oganiland ee Nigeria oo ay sharikadda baatroolka ee Shell u geysatay, oo markaas aynu hakinno ama kansal garanyno heshiiska oo halkaas khilaaf ka yimaado, yaa ina kala saaraya innaga iyo Itoobiya iyo Shiinaha, illayn waddan jira indhaha caalamka hortiisa ma nihine?

Gobolka Oganiland ee Nigeria waxay QM ku qiyaaseen in saliidda ku daadatay dhulkaas ay qaadanayso in muddo 30 sannadood ah lagaga safeeyo deegaanka, qarashka ku baxayaana uu yahay mid aad u farabadan oo aanay Shell oo sharikadaha ugu waaweyn dunida ka mid ah aanay diyaar u ahayn inay bixiso. Saliiddaas qubatay waxay keentay in baadka iyo biyuhuba ay sumoobeen. Waxa Shell lagu hasytaa in markii hore ay isku-rogooyin ciid ah ay dusha kaga daadiyeen meelihii saliiddu ku daadatay oo ay khiyaamiyeen dadkii ku noolaa gobolkaas.

Haddii ay dhacdo in beebabka saliidda qaada ama warshadda saliidda safaysa lagu qaado fal aragagixiso ah, yaa dammaana qaadaya inaanay ciidamada Itoobiya waddankeenna soo galayn iyagoo ku marmarsiyoonaya inay sugayaan ammaanka beebabka iyo warshadda? Waa habka keliya ee Itoobiya ay ku soo geli karto. Xataa waxaa dhici karta in ciidamadooda sirdoonku ay fuliyaan falalka argaxisada ah si ay fursaddaas ugu suurta gasho.

Sidoo kale, dhawaan waxa dhacday in waddanka Waqooyiga Sudan uu ku kordhiyey cashuurta beebabka saliidda qaada ee waddankooda dhex mara waddanka cusub ee Koonfurta Sudan. Dowladda Koonfurta Sudan aad ayey uga cadhootay arrintaas. Wasiirka Nabadda ee Koonfurta Sudan ayaa loogu yeedhay shirka Midowga Afrika (AU) ee Addis Ababa ka dhacayey halkaas oo lagu heshiisiinayey labada dhinac. Waqooyiga Sudan oo markii hore ku qasbay in ay Koonfurta Sudan barmiilkii baatroolka ahba ee beebabkooda dhexmara ay Koonfurtu ka bixiso cashuur $22.8 doolar ayaa dib uga tanaasushay markii labada dhinac la wada hadalsiiyey. Koonfurta Sudan waxay iyaguna aqbaleen dhinacooda wixii lagu heshiiyey sida uu sheegay wasiirka nabaddu, “Waxaanu bixin doonaa fiiga beebka (pipe fee), waxa kale oo aanu bixin doonaa fiiga taraansidhka (transit fee) si waafaqsan sidii lagu heshiiyey.” Koonfurta Sudan iyo Waqooyiga Sudan immika waa laba waddan oo siman oo meel wada fadhiisan kara.

Haddaba, tusaale ahaan, haddii ay dhacdo in aynu cashuurta ku kordhino Itoobiya oo ay diidaan, yaa qasbi kara illayn waddan jira oo la ictiraafsan yahay ma nihine? Jawaabtu waxa weeye hadalka Itoobiya oo keliya ayaa soconaya illayn fagaarayaasha caalmka ma tegi karno eh. Somaliland waxba laga dhagaysan maayo inaynu Itoobiya barino maahane.

Xeerka Mucaahadooyinka ee Shiweynihii Vienna (Vienna Convention on the Law of Treaties) wuxuu sheegaya dariiqooyinka heshiis lagu jebin karo- oo aan lagugu qasbi karin fulintiisa sida uu qeexayo Xeerka Caalamku. Somaliland haddii ay dhacdo in heshiiskaasi ay jebiso oo meelaha qaarkood u cuntami waayaan, Somaliland ma ashtakoon karto waayo waddan la aqoonsanyahay oo heshiis geli kara ma nihin. Uma ashtakoon kartid IGAD oo kama tirsanid, uma ashtakoon kartid AU-da oo kama tirsanid umana ashtakoon kartid UN-ta oo laguma aqoonsana. Marinka qudha ee kuu furani waa inaad baridaa Itoobiya oo dantaada u daba fadhiisataa waana sida ay Itoobiya doonayso.

Sidoo kale, Axdiga Qramada Midoobay (United Nations Charter) wuxuu sheegaya in mucaahadooyinka la kala saxiixdo marka hore laga diiwaan geliyo Qaramada Midoobay si fulinteeda ama wixii khilaaf ka yimaadana ay u xukunto Maxkamadda Caddaaladda ee Caalamiga ah (international Court of Justice).

Hadii ay iyagu heshiiskan diiwaan geliyaan, innagu waxba ma diiwaan gelin karno laakiin waa in aynu cid kale u daba fadhiisannaa?

Waxa muuqata in saddexda dhinac ee heshiiskan wada gelayaa aanay marka horeba isku meeqam ahayn oo sinnayn (unequal partners) markay heshiiskan wada gelayaan. Waxa caadiyan heshiis wada gala saddex waddan oo siman oo la wada aqoonsanyahay.

Ujeedada Dahsoon

Haddaba haddii Itoobiya ay danteedu ku jirto heshiiskan maxay Somaliland u aqoonsan wayday si ay isku meeqaam u noqdaan oo ah laba dhinac oo siman (equal partners).  DKMG ah ee Soomaaliya waa dowlad caalamku wada aqoonsayhay hase ahaatee aan tabar lahayn oo dalanbaabi ah.

Haddaba, Itoobiya waxay aqoonsathay dowladdaas ku KMG ah ee Soomaaliya. Markay ciidamadeedu galeen Xamar oo ay ku hoobteen waxay caalamka u sheegeen inay taakulanayaan dowladda KMG ah in fadhiisinkeedu noqdo Xamar oo ay Baydhaba ka soo guurto. Inay aqoonsanyihiin dowladda KMG ahna waxa daliil u ah, Itoobiya waxa Xamar u fadhiya Safaarad buuxda halka ay Somaliland uga fadhido qunsuliyad. Waxa sidoo kale ay qunsuliyad u fadhidaa Puntland. Waxay Ethiopia Somaliland ula dhaqantaa inay tahay gobol ka mid ah Soomaaliya oo aan ka go’i karin.

Haddaba maadaama Itoobiya ay u aqoonsantahay dowladda KMG ah dowladda keliya ee sharciga ah, maxay u daba martaynayaan oo dibindaabyeynayaan oo ay u wargelin waayeen madaxda dowladda KMG ah ama uga qayb gelin waayeen heshiiskan awoodba yaanay ku lahaanin arrimaha Somaliland eh?  Maxayse Somaliland oo ay u aqoonsan yihiin gobol ka mid Soomaaliya ay heshiis ula galayaan haddii ay dowladda KMG ah ay ictiraafsan yihiin?

Haddii dowladda KMG ahna ay mu’aamaradaynayaan oo heshiiska dibadda ka dhigeen, Somaliland-na aanay aqoonsanayn, soo markaas ma cadda inay wataan siyaasad labadaas u dhaxaysa oo ay dantooda iyo ajendahooda qarsoon ku fushanayaan. Waxa halkaas ka cad in Itoobiya ay labada dhinacba mu’aamaradaynayso.

Maadaama Itoobiya ay dowladda KMG ah u aqoonsantahay dowladda keliya ee sharciga ah ee ka wakiilka ah Soomaaliya oo ay Somaliland ku jirto waa sida Itoobiyaanku sheegtaane, ma laga yaabaa in Itoobiya ay dowladda maafiyada ah ee KMG ah ay heshiiskanba hoos ahaan uga soo saxiixdeen oo Somaliland-na laga qariyey oo ay gobol ahaan inoola dhaqmayaan?

Haddii khilaaf la xidhiidha heshiisku uu Somaliland iyo Itoobiya soo kala dhex galo ma laga yaabaa inay yidhaahdaan DKMG ah ayaannu la saxiixanay heshiiska ee Somaliland heshiiska aanu la gallay wuxuu ahaa mid aannu gobol ahaan madaxdooda ku wargelinayno mashruuca laga fulinayo? 

Mar uu wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland, Dr. Maxamd Cabdillaahi, uu u warramyey shabakadda Bloomberg, 18 January 2011, wuxu yidhi, “Arrinka South Sudan ayaanu isticmaali doonaa [tusaale ahaan u soo qaadan doona] oo aanu siyaasadayada kaga dhaadhicin doona Midowga Afrika iyo urur goboleedka IGAD,” Wuxuu intaa raaciyey wasiirku, “Arrinkayagu ma aha goosasho, ee waa ka noqosho isku-darsasho.” Hadalkaas wasiirku wuxuu walaac ku dhaliyey Itoobiya. Waxa markiiba soo booday oo arrinkaas ka jawaabay wasiirka arrimaha dibadda ee Itoobiya oo yidhi, “Arrinta South Sudan marnaba aqoonsi u hoggaminmayso Somaliland. Xaaladda South Sudan way ka duwantahay arrinka Somaliland. Waqooyiga Sudan iyaga ayaa Koonfurta u oggolaaday inay afti qabtaan. Soomaalida ayey u taallaa inay kala go’aan. Go’aanku marnaba dibadda kama imanayo, wuxuu ka iman karaa gudahooda [soomaalida] oo keliya” Wasiirka arrimaha dibadda ee Itoobiya wuxuu fashiliyey in Itoobiya ay waddamada caalamka ku wargeliyaan inay Soomaalidu wada hadasho balse aan Somaliland dibadda aqoonsi uga iman oo ah siyaasadda immika reer galbeedku inagula dhaqmaan. Siyaasadda itoobiya waa mid cad oo ku salaysan in qolo kasta halkeeda lagu hayo -oo ah xaaladdaas ha ku jiraan.

Sharikadda Hawlaha Maraakiibta ee Itoobiya waxa la filayaa inay ka mid noqon doonto saamilayda ugu weyn (main shareholders) ee wax ku yeesha dekedda Berbera. Waxayna durba ka dalbadeen waddanka shiinaha 9 markab oo qiimahoodu ku kacayo 293 milyan oo doolar. Maraakiibtaas waxa lagu isticmaali doonaa dekedda Berbera.

Tan iyo intii ay dekedda Eritrea ka soo xidhantay, Ethiopia waxay isticmaalaysay dekedda Djibouti. Djibouti dekdedeeda saami kuma laha ee waxay ku leeyihiin xafiis hawlahooda isku duba rida (co-ordinating office). Itoobiya inay saami weyn ku yeelato dekeddeena oo ay cod ku yeelato sidaynu u maamulo ma aha marnaba arrin wanaagsan, balse xafiis hawlaheeda isku duba rida ha ku yeeshaan.

Haddii Somaliland ay ahaan lahayd waddan la aqoonsanyahay waxan oo su’aalo ah looma baahdeen in la isweydiiyo hadalna kama yimaadeen waayo waxaynu nahay laba waddan oo siman balse xaaladda aynu immika heshiiska ku galayno ma aha mid aynu u simanahay waxaana dhici karta inaynu af-libaax ku dhacno.

Itoobiya dano ayaa inaga dhaxeeya. Sidaa daraadeed waa inanynu ka digtoonaanaa khiyaamooyinkeeda iyo dabinnada ay inala damacsantahay. Heshiiska la inoo soo bandhigay waa mid aad dusha uga qurux badan balse yeynaan liqin sun malab dusha la inooga soo mariyey.

 

Jamal Madar

adammadar@yahoo.com

Comments are closed.