Madaxweyne Siilaanyo Oo Toddobaadka Soo Socda Galka Seefta Ka Saari Doona, Kuna Dhex Dhici Doona Golihiisa Xukuumada

1
681

 

 

siilaanyo 2Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa la filayaa inuu toddobaadka soo socda golihiisa xukuumadda ku sameeyo isku shaandhayn culus.

Ilo xogogaala ayaa Wargeyska Geeska Afrikau sheegay in Madaxweynuhu toddobaadka dambe samayn doono isku shaandhayntaas oo la sheegay inay saamayn doonto xubno culus oo ka mid ah golaha wasiirada, badhasaabada dalka qaarkood iyo weliba xubno ka mid ah agaasimayaasha guud ee wasaaradaha qaarkood. Madaxweynahay ayaa odayaal iyo xildhibaano hore ula kulmay u muujiyay suurtogalnimada isku shaandhayntaas, waxaana la filayaa inuu sidoo kale magacaabo jagada Wasiirka daakhiliga ee uu dhawaan iska casilay Dr. Maxamed Cabdi Gabose taas oo ay hunguraynayaan rag badan oo siyaasiyiin ahi. Waxaanu warku intaas ku darayaa in magacaabista jagada wasiirul daakhiligu u hakatay isku shaandhaynta uu Madaxweynuhu damacsanyahay, si rasmi ahna looma garanayo xubnaha ay seeftu la tagi doonto iyo weliba kuwa wasaaradahooga laga wareejin doono. Hase yeeshe haddii uu Madaxweynuhu sameeyo isku shaandhayntan waxay imanaysaa iyadoo sannad ka dib ay soo baxeen dhaliilo loo tirinayo xubno ka mid ah xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo kuwaas oo salka ku haya maamul xumo, sicir barar, musuqmaasuq, khilaafaad iyo xagal daacyo siyaasadeed oo ay dad badani aaminsanyihiin inay ragaadiyeen hamigii Madaxweyne Siilaanyo ee ahaa inuu dalka ka hirgeliyo xukuumad tiro yar oo tayo badan.

Comments are closed.