Joojiya Is Qabqabsiga Iyo Khilaafka Haddii Kale Waraabahaa La Idiin Saarayaa

12
986

 

maqaalNayrobi(Geesa)-Xubnaha golaha ammaanka ee dhawaan la shiray masuuliyiinta dawladda Somaliya ayaa digniin kama dambays ah u jeediyay madaxdaas oo kala ah Shariif Sheekh Axmed oo Madaxweyne ah, Shariif Xasan oo Guddoomiye Barlamaan ah iyo Maxamed Cabdillaahi oo Raysalwasaare ah.

Madaxda golaha ammaanka ayaa si aan gabasho lahayn u canaantay Madaxweynaha iyo guddoomiyaha Baarlamaanka, oo isku maandhaafsan muddo korodhsi ay dhawaan Baarlamaanka iyo Madaxweynuhuba samaysteen, kuwaas oo isku mari waayay afar kulan oo ay hore ugu yeesheen Muqdisho. Xubnaha golaha ammaanku waxay sheegeen inuu dulqaadkii iyo samirkii ka sii dhammaanayo bulshada caalamka ee taageerta dawladaas tamarta daran, waxaanay ka digeen inay waayi doonaan taageerada caalamka haddii aanay si deg deg ah u xalin khilaafkooda oo halis ku haya hay’adaha ku meelgaadhka ah ee dawladaas, waxaana lagu amray inay doorasho qabtaan bisha August. “Waxaanu u cadaynay inaanay taageerada bulshada caalamku sii soconayn haddii aanay is qabqabsigooda xal u helin.” Sidaas waxa yidhi danjiraha Ingiriiska u fadhiyga golaha ammaanka, waxaanu intaas ku daray in la samayn doono ciqaab haddii aanay Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanku khilaafkooda deg deg u xalin, laakiin lama cadayn nooca ay ciqaabtaasi noqon doonto, balse xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Mr. Ban Ki Moon ayaa caddeeyay in khilaafaadka hay’adaha dawladaas ka dhex aloosani uu sii luminayo kalsoonidii iyo dulqaadkii beesha caalamka.

Si kastaba ha ahaate, waxa la filayaa in beesha caalamku banaanka u saari doonto labada Shariif haddii aanay deg deg u xalin khilaafkooda, waxaana suurto gal ah in marka la gaadho bisha August laga tuuro xilalka ay hayaan, maadaama oo ay bulshada caalamku ku khasaartay.

Comments are closed.