Maxaa Xalay Helay Telefishanka Qaranka Iyo Idaacadda Radio Hargeysa?

0
797

Hargeysa(Geeska)-Waxa xalay cawayskii mar qudha hawada ka baxay Telefishanka qaranka iyo idaacada Radio Hargeysa oo ku hadla afka dawladda Somaliland. Inkastoo uu telefishanku hawada ku soo noqday abaaro 12:30 habeenimo.

Idaacadda iyo Telefishanka qaranka oo si toos ah ugu guddo jiray baahintoodii caadiga ahayd ayaa mar qudha la waayay, waxaana la sheegayaa inuu sababay cilad ku timid mishiinka dabka siiya idaacadda iyo Telefishanka. Maaha markii koowaad ee ay ciladi ku timaado hay’adaha warbaahineed ee dawladda mudadii sannadka ahayd ee ay jirtay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, waxase laga war qabay tiraba laba goor oo hore oo uu bakhtiyay telefishanka qaranku, gaar ahaan qaybtiisa maxaliga ahi.